Mareykanka oo shaaciyay in la dhawaacay hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa war cusub kasoo saaray duqeyn 20-ka May uu ka geystay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, isaga oo shaaciyay in lagu dhaawacay hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ah.

Hawl-galka Militariga Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa shaacisay in mid kamid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab lagu dhaawacay duqayntaasi ka dhacday xarunta u weyn Shabaab ee Jilib.

Taliska AFRICOM ayaa waxa uu sheegay in qiimaynta lagu sameeyey howl-galkaas “in mid kamid ah hoggaamiyayaasha kooxda Al-Shabaab lagu dhaawacay.”

AFRICOM ma magacaabin hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab ee ku dhaawacmay duqeynta, oo la fahamsan inuu ahaa bartilmaameedka howl-galkaas, oo ahaa mid iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qiimaynta ugu horraysa ee taliska ay muujineyso “in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarkan.”

“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tallaabooyin waaweyn oo looga hortagayo dhaawacyada rayidka. Ilaalinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa weli ah qayb muhiim ah oo kamid ah hawl-gallada taliska, si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon.”

Duqeyntan ayaa sidoo kale waxaa lala beegsaday xarunta ururka Al-Shabaab ee Jilib, iyada oo uu jiro khasaare xooggan, sida ay hore u baahisay warbaahinta dowladda ee SONNA.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo lagu qabtay gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Sidoo kale, waxay kusoo aadeysa xilli Mareykanka uu ku sugan yahay agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Xogaha aan ka helayno socdaalka agaasimaha NISA ayaa sheegaya in Mahad uu booqasho ku maray magaalooyinka New York iyo Washington DC, halkaasi oo wada-hadalo kula yeeshay madaxda Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka iyo hay’adaha Sirdoonka CIA-da iyo FBI-da.

Kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray dhameystirka dagaalka Al-Shabaab, loona xaqiijiyo xog wadaaga labada dhinac iyo siddii Soomaaliya looga caawin lahaa tayeynta hay’adda sirdoonka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi hore guullo wax ku ool ah laga gaaray, uuna dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.