KENYA oo ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay xadka SOOMAALIYA + Ujeedka

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada u dhow xadka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey ay Kenya soo dhoobtay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay xuduuda.

Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaas ay sameyn doonaan howlgallo culus si loo sugo amniga xuduuda, maadaama dhowaan dib loo furayo.

Ujeedka ay Kenya haatan ciidamada usoo dhoobtay xadka ayaa waxaa lagu sheegay in la xariirto ka hortagga ganacsiga sharci darrada ah, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa guud.

Ciidamada ayaa sidoo kale xoojin doono dadaalaada laagu xaakameeynayo ganaacsiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha dalkaasi, kadin markii xukuumadda Nairobi iyo Muqdisho ay maalmo kahor ku heshiiyeen in la’isku furo xuduudka labada waddan.

Heshiiiska ayaa dhigaya in dib loo furo xarumihii xuduudaha Ismaamuladaa Mandheera, Lamu, iyo Garisa, muddada 90-ka Maalmood ee soo socda.

Sidoo kale hay’adda canshuuraaha Kenya ee loo soo gaabiyo (K R A) ayaa shaqaalaheeda Kastamkaa iyo xakameyntaa xuduudaha u dirtay Lamu, waaxa ay kala shaqeeyneysaa ilaalada xeebaha Kenya si ay u ilaaliyaan qayb ka mid aah Badweynt Hindiya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in jidadka isku xira deegaanada ku yaalla xadka laga bilaabay baaritaano dheeraad ah oo lagu hubinayo gaadiidka, si looga hortago suurta-galnimada weeraro dhaba-gal ah oo ayAl-Shabaab ku qaadaan dadka isaga kala gudbaya is-maamullada ka jira halkaas.

Al-Shabaab ayaa sanadihii dambe kordhisay weeraradeeda dalka Kenya, taas oo keentay in Kenya hakiso dhaq-dhaqaaqa xadka labada waddan, si loo yareeyo weeraradaasi

Si kastaba, hase’aahaatee  dib u furisrata Xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sare u qaadeysa Xiriirka Ganacsi ee ka dhexeyaay labada dal.