DF oo baaris ku haysa ganacsatada qaarkood ‘oo loo haysto arrin xasaasi ah’

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wad baaritaano la xiriira dadka ku lugta lahaa agab iyo saanad ciidan oo dhawaan lagu qabtay dekedda weyn iyo garoonka magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa sida ay warisay waxay gacanta ku dhigtay hal asbuuc gudahiisa laba konteer iyo agab kale oo la xiriiray oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socday alaabtan oo u badan kuwa ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, oo lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, kaasi oo howl-gal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay.

Intaas kadib dowladda ayaa waxay billowday baarista ganacsato u fududeysay kooxda in agabka iyo saanad ciidan uga soo dejiyaan dekedda iyo garoonka, sida ay shaacisay La-taliyaha madaxweynaha ee xakameynta qul-qulka hubka sharci-darrada ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse.

Marwo Mako ayaa waxay sheegtay in dowladda ay wado baaritaano shaqsiyaadkaas la xiriira, islamarkaana la horgeyn doono cadaaladda.

“Dowladda waxey wadaa baaritaano la xariira shaqsiyaadka makriga u maleegayay umadda Soomaaliyeed ee la fashiliyay iyagoo saanad Militeri usoo dejinaya Khawaarijta waxaana la hor geyn doonaa cadaaladda,” ayey tiri Lataliye Marwo Mako.

Sidoo kale, waxay soo dhaweysay howl-galka ciidamada hay’adda Nabad-sugidda ay ku qabteen laba konteenar oo kooxda Al-Shabaab kusoo daabushay saanad ciidan oo ay doonayeen in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.

La-taliyaha madaxweynaha ee xakameynta qul-qulka hubka sharci-darrada ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa ugu dambeyntiina waxay bogadisay howl-gallada ay ciidamada amaanka kula dagaalamayaan hubka sharci darrada ah ee lagu wato magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Dowladda federaalka oo horay digniin uga soo saartay la shaqeynta iyo la-macaamiilka kooxda Al-Shabaab ayaa xilligaan waxaa ka go’an in tallaabo adag laga qaado danbiilayaasha iyo qof kasta oo ku kaalmaysa kooxda dhibaatada ay ku haayaan shacabka, ha ahaadaan ganacsato, masuuliyiin ama nuuc kasta oo kamid ah bulshada.