Faah-faahinta xiisad DAGAAL oo ka taagan SH/HOOSE

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in degmada Wanlaweyn ay maanta ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyaad beeleed oo wada dega halkaasi.

Xiisadda colaadeed ee kasoo cusboonaneysa Walanweyn ayaa waxa si weyn looga dareemaya duleedka degmada, ayada oo labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda.

Arrintan ayaa daba socota dagaal billowgii todobaadkaan ka dhacay deegaanka Yaaq-bariweyne oo ay ku dhinteen dad gaaraya 10 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inay jirto cabsi laga qabo inuu maanta markale qarxo dagaal u dhaxeeya labadaan maleeshiyo beeleed oo lasoo warinaayo inay is horfadhiyaan

Dagaal beeleedkan ayaa salka ku haya murun dhuleed, oo la sheegay inuu soo jiitamayey lixdii sano ee lasoo dhaafay, kaasi oo hadda sababay inay dagaalamaan labada dhinac.

Sidoo kale ma jirto cid kala dhex gashay labada dhinac, taas oo uga sii dareysa xiisadda colaadeed ee ka jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maleeshiyo beeleedkan ayaa tiraba dhowr jeer oo hore ku wada dagaalamay deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, illaa haddana majirto wax waan-waan ah oo maamulka uu ka galay xiisadda colaadeed ee halkaasi ka taagan.

Si kastaba, Wanlaweyn ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo laa laabanayay weerarada hubeysan iyo dagaal beeleedyada, kuwaas oo uu khasaaraha u badan kasoo gaaro rayidka.