Muqdisho (Caasimada Online) — Sare u qaadista hawlgallada militeri ee Maraykanku ka wado Soomaaliya ayaa la sheegay inay gacan ka geysan karto sidii loo soo saari lahaa kheyraadka dalka ee muddada dheer xayirnaa, iyadoo amniga oo hagaaga uu soo jiidan karo maalgashi caalami ah, sidaas waxaa sheegay taliye sare oo ka tirsan taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).
Sarreeye Gaas John Brennan, oo ah ku-xigeenka taliyaha AFRICOM, ayaa sheegay in amni darrada ay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah iyo fursadaha ganacsi ee dalka yaalla.
Taliyaha ayaa ku dooday in cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya iyo dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ay yareyn karto halista amni, isla markaana ay ballaarin karto fursadaha ay heystaan shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay.
“Kheyraad dabiici ah ayaa ceegaaga Soomaaliya, balse xaaladda amni darro awgeed, Soomaalidu kama aysan faa’iideysan,” ayuu yiri Brennan, isagoo intaas ku daray in Soomaalidu haatan ay indhaha ku hayaan macdanta qaaliga ah iyo rajada laga qabo shidaalka badda.
Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa muddo dheer waxaa curyaamiyay colaado, kaabayaasha dhaqaalaha oo liita iyo khilaafyada siyaasadeed, iyadoo maal-gashadayaasha caalamiga ah ay ka caga-jiidayaan inay dalka soo galaan sababo la xiriira amniga iyo is-mari-waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
Istiraatiijiyadda amniga iyo dhaqaalaha
Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkii dambe dadaal ugu jiray in amniga la sugo si loogu gogol xaaro dhismaha dekedaha, waddooyinka, iyo abuurista shaqooyin rasmi ah oo dhaafsiisan xoolaha nool iyo xawaaladaha.
Brennan ayaa xusay in kaalinta Maraykanka ay tahay inta badan la-dagaallanka argagixisada, balse wuxuu tilmaamay in maalgashiga gaarka ah—gaar ahaan kan ka imaanaya Maraykanka—uu noqon karo aalad lagu xoojiyo amniga mustaqbalka fog, isagoo abuuraya shaqooyin, isla markaana sare u qaadaya dakhliga dowladda si meesha looga saaro in dhallinyarada ay askareeyaan kooxaha hubeysan.
Wuxuu sheegay in Maraykanku uu bixiyo xogta sirdoonka, ilaalada cirka iyo taageerada duqeymaha, halka ciidamada Soomaalida ay fuliyaan hawlgallada dhulka. Taliyaha ayaa si gaar ah u xusay guulaha laga gaaray waqooyiga dalka, halkaas oo ciidamada maamul goboleedka Puntland ay dib u qabsadeen dhul muhiim ah oo ay horay u heysteen dagaalyahannada Daacish.
Inkastoo dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay dalka u bandhigto suuq cusub oo leh kheyraad badan, haddana dadka fallanqeeya arrimaha dhaqaalaha ayaa digaya.
Waxay sheegayaan in si looga miro-dhaliyo kheyraadkaas, ay lagama maarmaan tahay in la helo sharciyo cad-cad, nidaam daah-furan oo qandaraasyada lagu bixiyo, iyo heshiisyo lagu kalsoonaan karo oo dhex mara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ku aaddan qeybsiga dakhliga.
Rajada laga qabo soo saarista shidaalka iyo macdanta ayaa sidoo kale dhalisay walaac ku aaddan musuq-maasuq iyo is-qabqabsi dhanka qandaraasyada ah, maadaama hay’adaha dowladda ay weli yihiin kuwo nugul.
Ugu dambeyntii, Brennan wuxuu sheegay in inkastoo mudnaanta koowaad ee Maraykanka ay tahay ilaalinta amniga dalkiisa, haddana guulaha laga gaaro amniga gudaha Soomaaliya ay dhiirrigelin karaan dhaq-dhaqaaq dhaqaale, taas oo iyaduna sii adkeyn karta xasiloonida.

