Mareykanka oo shaaciyey shabakadaha lacagta iyo hubka u qaabilsan Al-Shabaab

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa maanta shaacisay shabakadda fududeynta dhaqaalaha iyo hubka ee kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo door hoggaamineed ku dhex leh Al-Shabaab, islamarkaana qaabilsan xiriirka kooxda iyo shirkadaha Soomaaliya ee lacagta baadda ah laga qaado.

Shabakaddan, oo xayiraad lagu soo rogay ayaa sida ay Waaxdu sheegtay ku hawlan soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo qorista askarta ee kooxda Al-Shabaab.

Marka laga soo tago inay hoggaamiyeyaal ka yihin Al-Shabaab, fududeeyayaashan ayaa sidoo kale xiriir toos ah la lahaa saraakiisha Al-Shabaab ee horey Mareykanku ugu daray liiska argagixisada. 

“Waaxda Maaliyadda waxay diiradda saareysaa aqoonsiga iyo carqaladaynta shabakadaha sharci darrada ah ee Al-Shabaab ee ka hawlgala Bariga Afrika,” ayuu yiri Brian Nelson oo ah kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee dhanka argagixisada iyo sirdoonka maaliyadda. 

“Waan sii wadi doonnaa inaan qaadno tallaabo ka dhan ah soo-gelinta hubka sharci-darrada ah iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale ururinta ee Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xiriirka la leh al-Qaacida.”

Waaxda Maaliyadda ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay maal-gelisay dadaallada al-Qaacida ee caalamka oo idil, oo ay ku jirto inay lacag u qeybiso kooxaha kale ee al-Qaacida xiriirka la leh. 

Waxay intaas ku dartay in Al-Shabaab ay sanadkii soo xareyo dakhli dhan 100 milyan oo dollar oo ay ka hesho ilo-dhaqaale oo kala duwan, sida baadda ganacsatada iyo shaqsiyaada, canshuurta la saaro badeecadaha iyo fududeynta ganacsiyada sharci-darrada ah

“Dakhliga kooxda ayaa taageeray awoodda kooxda, hoggaanka iyo weerarada ka dhanka ah shacabka Soomaaliya,” ayey tiri Waaxda.

“Al-Shabaab waxay horey u qorsheysay inay kala qeybsanaan ka dhex abuurto dowladda federaalka iyo xoogagga mucaaradka Muqdisho, si ay dib ugu dhigto doorashooyinka federaalka.”

Haddaba magacyada shaqsiyaadka Mareykanka shaaciyey ayaa ka ah:

ABDULLAHI JEERI: Dhammaadkii 2021, Abdullahi Jeeri (Jeeri) waxa uu si sharci-darro ah hub ugu soo geliyey Al-Shabaab. Jeeri waa madaxa Al-Shabaab ee keenista hubka, wuxuuna Al-Shabaab hub uga keenay gudaha dalka iyo hub iibiyeyaal shisheeye ah oo badankood ku sugan Yemen.

Jeeri waa isku xiraha Al-Shabaab iyo ganacsiyada gudaha Soomaaliya, wuxuuna soo ururiyaa canshuurta ay kooxda soo rogto. Waxa uu sidoo kale xubin ka yahay Golaha Shuurada kooxda, isaga oo dhanka kalena mar taliye usoo noqday cutub ka tirsan ciidamada Al-Shabaab.

KHALIF ADALE: Khalif Adale (Adale) waa madaxa maaliyadda Al-Shabaab ee lacag kasoo ururinta ururada aan dowliga aheyn NGOs, wuxuuna si toos ah ugu warbixiyaa amiirka kooxda Axmed Diiriye.

Adale wuxuu horey xubin uga ahaa kooxda Mahad Karate uu hoggaamiyo ee Al-Shabaab, wuxuuna xiriir toos ah la lahaa Karate. Dowladda Mareykanka ayaa Mahad Karate liiska argagixisada ku dartay April 10, 2015.

Illaa 2018, Adale wuxuu ahaa sarkaal maaliyadeed oo kaalintiisu tahay inuu u dhaxeeyo Al-Shabaab iyo ganacsiyada sharciga ah, isaga oo qaabilsanaa inuu soo ururiyo lacagaha waa weyn ee ganacsiyada lagu soo rogo. Wuxuu sidoo kale qaabilsanaa inuu dhex-dhexaadiyo khilaafyada soo kala dhex-gala qabiilada iyo inuu dagaal-yahano usoo qoro kooxda. 

Dhammaadkii 2017, hoggaamiyeyaal sare oo Al-Shabaab ah, oo uu ku jiro Adale, ayaa diyaariyey 600 oo dagaalyahan inay tababarto kooxda Al-Shabaab, wuxuuna bixiyey lacag la siiyey qabaa’ilka ay ka dhasheen. Dagaalyahanadaas ayaa ahaa caruur da’doodu u dhaxeyso 10 illaa 15 oo laga soo ururiyey xaafadaha si loogu diyaariyo howlgallada mustaqbalka ee kooxda.

HASSAN AFGOOYE: Mareykanka wuxuu ballan-qaadayaa illaa $5 milyan oo la siinayo cid kasta oo keenta akhbaar ku saabsan Hassan Afgooye oo ah hoggaamiye muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Afgooye waxa uu madax ka yahay shabakad maaliyadeed oo dhaq-dhaqaaqyadeeda ay ka mid yihiin lacagaha lagu soo ururiyo sadaqada beenta ah, baadda, iyo afduubka si loogu taageero Al-Shabaab. Afgooye waxaa loo arkaa inuu muhiim u yahay sii socoshada howlgallada Al-Shabaab.

Afgooye wuxuu sarkaal sare kasoo noqday Waaxda Maaliyadda ee Al-Shabaab markii uu hoggaaminayey Mahad Karate. Waxa uu kadib madax ka noqday Waaxda Maaliyadda Al-Shabaab.

Afgooye ayaa sidoo kale mas’uul ka ahaa xiriirka Al-Shabaab ee shirkadaha gudaha, wuxuuna si gaar ah u qaabilsanaa wada-xaajoodka isaga oo wakiil ka ah Al-Shabaab.

ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE: Abdikarim Hussein Gagaale (Gagaale) waxa uu ahaa ku-xigeenka madaxa Maaliyadda ee Al-Shabaab markii uu xukumayey Mahad Karate. 

ABDI SAMAD: Abdi Samad (Samad) waa mintid ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha Hoggaanka Sare ee Kooxda. Sanadii 2010, Al-Shabaab ayaa bixisay qarashkii ku baxay shahaadadii Jaamacadeed ee Samad oo ay ku jirto safarka iyo lacagta Jaamacadda.

Sanadii 2018, Samad wuxuu howl daba-gal iyo cilmi-baaris ah u sameeyey kooxda Al-Shabaab. 

ABDIRAHMAN NUREY: Abdirahman Nurey (Nurey) waa isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale keydiyey, kala wareejiyey islamarkaana been xalaaleeyey lacagta digital-ka ee Al-Shabaab. 

Nurey waxa uu lacagta kasoo ururiyaa madax hoosaadyada maaliyadeed ee Al-Shabaab una gudbiyaa madaxda sare ee maaliyadda ee Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday shabakadda hubka ee Al-Shabaab

Qoraalka kasoo baxay Waaxda Maaliyadda ayaa lagu sheegay Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas) inay qeyb ka yihiin shabakadda Al-Shabaab u qaabilsan hubka sida sharci-darrada ah looga keeno dalka Yemen.

2017 illaa 2020 doomo uu leeyahay Mataan ayaa Al-Shabaab ay u adeegsatay inay hub badan kusoo geliso Soomaaliya, kaasi oo laga keenay dalka Yemen kadib heshiis dhex-maray labada dhinac.

Salad ayaa isna la sheegay inuu shirko ganacsi la yahay Mataan, uuna fududeeyey in hub Al-Shabaab u socda lasoo geliyo Soomaaliya. Hubka ay Soomaaliya soo geliyeen ayaa waxaa ka mid ah miinooyinka, walxaha qaraxyada laga smaeeyo iyo qoryaha AK-47. 

Muddo shan sano gudaheed ah, Salaad ayaa in ka badan $700,000 ka helay shaqsiyaad hubka soo iibsada oo saldhigoodu yahay Puntland. Wuxuu sidoo kale isku xiraa dadka Yemen hubka ka keena iyo kuwa iibsada ee ku sugan Puntland.

Badaas waxa uu xubin ka yahay Al-Qaacidada Jasiiradda Carbeed ee dalka Yemen, wuxuuna ku jiraa shabakadda Al-Shabaab u qaabilsan hubka sida sharci-darrada ah looga keeno Yemen. Badaas wuxuu fududeeyey hubka laga soo dhoofiyo Yemen ee loo soo diro Al-Shabaab.  

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa si waafaqsan Waaxda Maaliyadda waxay iyana xayiraado kusoo rogtay shaqsiyaad kale oo xubno ka ah ama hoggaan ka haya Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah: Mohamed Mire, Yasir Jiis, Yusuf Ahmed Hajji Nurow, Mustaf Ato, iyo Mohamoud Abdi Aden.

Maxay ka dhigan tahay xayiraadda?

Xayiraadda ayaa ka dhigan in laga billaabo maanta, dhammaan hantida shaqsiyaadkan iyo wax kasta oo ay leeyihiin si toos ah ama si dadban wax ka badan 50%, hantidaas oo taalla Mareykanka ama ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad Mareykan ah ay tahay in la xayiro laguna soo wargeliyo xafiiska OFAC ee Waaxda Maaliyadda.

Waxaa intaas dheer, in la mamnuucay in lala macaamilo shaqsiyaadkaas ama wax xiriir ganacsi ah lala sameeyo.