Daawo: Xogta qorshaha ay wadaan siyaasiyiinta tegay magaalada Dhuusomareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa faahfdaahin ka bixiyey safarka wafdigii ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaamiyey ee Axadii tegay Dhuusamareeb.

Cali Ciid ayaa sheegay in Dhuusamareeb uu ka furmay shir ay isugu yimaadeen 11-ka beelood ee dega Galmudug, kaas oo looga tashanayo sidii looga qeyb qaadan lahaa dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

“Iyadoo laga faa’iideysanayo duufaanta dalka ka socota ee la isaga xoreynayo Al-Shabaab ayaa shirkaan Dhuusamareeb ka furmay waxaa looga tashanayaa sidii ay Galmudug oo gacmaha is heysata ay qeyb uga noqon laheed, wixii shirkaan ka soo baxa ayaa lala aadayaa howlgalka,” ayuu yiri Cali Ciid.

Wuxuu sheegay in Galmudug ay ugu yeeratay xubnaha ku metela dowladda federaalka inay la kaashato dagaalka deegaanada maamulka iyo guud ahaan dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uga mahad celiyey dagaalka uu iclaamiyey ee lagu qaaday Al-Shabaab, isagoo beelaha ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadaan.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegayaa maanta wado kale nooma fura, Al-Shabaab waa inay naga adkaadaan ama aan ka adkaano, wada noolaasho dambe waa dhamaaday, waa in la kala adkaadaa,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Cali Ciid oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in shirkaan uu Dhuusamareeb ka soca doono laba maalmood, kadib la aadi doono furimaha dagaalka oo howlgal culus uu ka bilaaba doono Galmudug.

“Galmudug howlgalka Soomaaliya ka socda waxay u tahay laf-dhabar, ciidankii Galmudug ayaa ka dagaalama Hiiraan – Yasooman, dagaalka waan ku jirnaa hadda waxaan ku dhaqaaqeynaa inaan xoreyno degmooyinkii muhiimka ahaa ee Xarardheere, Ceelbuur iyo Ceeldheer,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Hoos ka dhageyso wareysiga