Mareykanka oo sheegay arrin ay ka dalbadeen Farmaajo

Washington (Caasimada Online) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa shaaca ka qaaday inay la hadashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kana dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee. 

Phee ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay wada-hadallo la yeelatay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan shalay la hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble si aan hoosta uga xariiqo taageeradeena ku aadan dadaalladiisa uu ku qabanayo kulanka Golaha Wadatashiga Qaran si loo saxo khaladaadka doorashada, si deg deg ahna loogu soo geba-gebeeyo doorashooyin xalaal ah. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada xiisad abuurka ah, ciidamada amniguna waa inay ahaadaan dhex-dhexaad,” ayey tiri.

Tallaabada uu Mareykanka qaaday ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay taageerada Rooble, iyo in laga hortagao isku dayada uu Farmaajo mar kale ku carqaladeynayo doorashada. 

Dowladda Mareykanka ayaa horey sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya. Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibeddda, isniintii. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii