Maxkamadeynta kiiska dilkii Sakariye iyo Sowdo oo ka billaabatay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanata billowday dhageysiga dacwadda kiiska dilkii loo geystay labo ruux oo walaalo ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Sakariye iyo Sowdo.

Labadii bishan ayey aheyd markii labada ruux ee walaalaha ah lagu dilay xilli habeen ah Isgoyska Dabka, waxaana kiiskooda loo haysta labo Askari oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Eedeysanayaasha loo haysto dilkaas ayaa waxaa lagu kala magacaaba Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Kanidiid) iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan.

Xafiiska Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa kusoo eedeeyay raggaas inay si ku talo gal ah rasaas ugu fureen dad ku sugnaa Isgoyska Dabka, xilli goobta ay aheyd mid masqhuul badan.

Waxay dalbadeen in eedeysanayaasha lagu rido xukun u dhigma dambiga ay geysteen oo lagu xukumo dil toogasho ah. Halka uu xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada uu soo jeediyay in Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin loo ciqaabo dilkaas, ayada oo Dayax Nuur Cabdi lagu qaado anshaxa wada-marista iyo nabad-gelyada guud ee uu qal-qal geliyay.

Fadhiga maxkamadda ee maanta ayaa lasoo xiray, ayada oo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute uu sheegay in kiiskaan maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa hore u shaaciyey in Sakariy iyo Sowdo oo xilligaas marayay wadada isgoyska Dabka ay haleeshay rasaas ay ciidamo millateri ah oo saarna gaari Cabdi Bille ah ay ku furanayeen wadada oo xiligaas jaam aheyd.

Sidoo kale ehelada marxuumiinta ayaa hore wacad ugu maray inaysan marnaba aqbali doonin in meel lagu tuuro kiiskooda oo aan waxba laga qaban, haddii kale ay gacantooda ku doonanayaan sharciga.

Ma aha markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay rasaas si macno darro ah u fureen ay haleesho dad shacab ah, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii