Prof. Afyare: Mareykanka waa kuwii taageerayey Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo dhinaca kalena meesha ka saaray wararka sheegaya inaanu Mareykanku xilligan saamayn muuqato ku lahayn dalka.

Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo carqalad ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay la hadashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kana dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa sheegay in waxyaabihii u suurtagalay Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu u suurta-geliyay Mareykanka.

“Mareykanku saamayn waa leeyahay, heshiisyada siyaasadeed ee dalka hadda yaala qayb waxaa ka ah bulshada caalamka, AMISOM iyo dowladaha waaweyn, marka Mareykanku wuu leeyahay saamayn, markii dowladdu ay taageerayeena iyaga ayay ku dhisneyd illaa xad, waxa u suurta-gelayay Farmaajo, waxaa u suurta-geliyay Mareykanka, marka saamayn way leeyihiin, wayna celin karaan,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi.

Waxaa uu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jirta dalka looga gudbi karo, iyadoo wixii khaldamay dib laga saxo, Ra’iisal Wasaaraha iyo Dowlad Goboleedyadana lagu khasbo inay dalka ka qabtaan doorasho daahfuran, Madaxweynuhu aanu ku fara-gelin.

“Waa khasab in hadda waxa socda wixii laga hagaajin karo, laga hagaajiyo. Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal Wasaaruhu waa in lagu khasbo inay tartan ogolaadaan oo dadka la tartan-siiyo, Madaxweynuhuna uu u daayo, oo uusan ku fara-gelin,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi.

Waxa kaloo uu yiri “Xalku waa iska cad yahay, sababtoo ah waddo kale ma jirto, oo aan ka ahayn Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wadatashiga oo shaqadan iska leh. Lixda nin ee shaqada haysay inay dhameystiraan, waa lagama maarmaan oo loo daayo. Xalka waxaan u arkaa in Madaxweynuhu uu xushmeeyo, oo ilaaliyo heshiiskii uu aqbalay 27-kii May 2021, qoladaan kalena ay aqbalaan heshiiskii 17-kii September 2020.”

Afyare Cabdi ayaa yiri “Beesha Caalamka iyagaa ugu culus, iyagaa go’aanka rasmiga ah ee Maxkamadda Sare ee dalka ka ahaa, intii muddo ah, haddana sida muuqata waxay leeyihiin hala boobsiiyo doorashada, qoladii wadayna ha wado.”

Farmaajo oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu wajahayaa cadaadis caalamiya, waxaana khilaafka labada hoggaamiye si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho.

Inkasta oo ay haatan degan tahay xaaladda Muqdisho ayaa waxaa haddana weli taagan khilaaka dib uga soo dhex cusboonaaday Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, oo niyad-jab ku keenay dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii