Gole Badbaado ‘oo looga dhawaaqayo’ GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Golaha Badbaadada iyo Hogaan toosinta Galmudug ayaa dhawaan lagu dhawaaqaya, sida uu shaaciyey Wasiirkii hore amniga ee maamulkaas, Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa bulshada reer Galmudug iyo siyaasiyiinteeda ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan Golahaas oo lagu badbaadinayo maamulkaas oo uu raagadiyey hogaan xumo iyo colaado soo noq-noqday.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo asagu hogaamiyo maamulka Galmudug ayaa lagu eedeynaya in uu si weyn uga gaabiyay hogaaminta maamulkaas iyo in deegaanada uu ka taliyo uga mashquulay rabitaanka madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoor-Qoor ayaa inta badan waqti ku qaata magaalada Muqdisho oo xilligana uu ku sugan yahay, wuxuuna juhdi badan ku bixiyaa hoos u dhigista culesyada soo wajaha Villa Somalia oo la fahamsan yahay inay xilkaaas geysatay.

Tan iyo markii uu hogaaminta Galmudug la wareegay waxaa ragaadiyay colaado soo noq-noqday iyo xiisado uu ku guul dareystay wax ka qabashadooda.

Dhaq-dhaqaaqan cusub ee looga soo horjeedo hogaaminta Qoor-Qoor ma aha midkii u horeeyay ee lagu dhawaaqo, waxaana hore u jiray dadaalo maamul kale loogu sameynayo Galmudug, kaasi oo ka baxsan gacanta Qoor-Qoor.

9-kii bishan unbey aheyd markii magaalada Caabudwaaq lagu qabtay shir looga soo horjeedo maamulka Galmudug, kaasi oo beelaha Waqooyiga Galgaduud uga tashaneayeen sidii maamul cusub u sameysan lahaayeen.

Shirkaas oo xilligaas ay ka qeyb-galeen Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka beelahaas ayaa waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay isku haynta beelaha dega deegaanadaas, islamarkaana ay ka waayeen xuquuqdoodii.

Qoor-Qoor ayaa lagu eedeynayaa inuu dhageysan waayey tabashada beelaha maamulkaas, si weyna uu ugu gaabiyay adeegyadii aas-aasiga ahaa iyo dhismaha Galmudug loo wada dhan yahay.

Arrimahan oo dhan ayaa qeyb ka noqonaya dhibaatooyin dhowr ah oo maamulka Galmudug oo u wajahaya, kuwaasi oo ah dhanka amniga iyo maamulka ah oo uu horseed u yahay maamulka madaxweyne Qoor-Qoor.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii