Mareykanka oo ka walaacsan heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka wuxuu qabaa walaac xooggan oo ku saabsan heshiiskii Addis Ababa ku dhex-maray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda loo arko midda ugu awoodda badan adduunka dhaqaale ahaan iyo milatari ahaan waqtigan ayaa Geeska Afrika ku bixineysa naf iyo maal si aanay hoos ugu dhicin saameynteeda caalamka, sidoo kalena aanay u guuleysan argagixisada ay dagaalka kula jireen waqtiga fog.

Argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya oo dhaqaale ahaan aad u xooggan ayaa dagaalkii ugu adkaa lagu qaaday tan iyo markii uu xafiiska kusoo laabtay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud bartimihii bishii May 2022.

Laakiin tan iyo kowdii bishaan Janaayo markii Itoobiya usoo bareertay inay qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, waxaa abuurmatay dood ku saabsan labada dagaal midka ay ahmiyadda koowaad siinayso Soomaaliya. Ma inay argagixisada ka adkaato mise inay baddeeda iyo dhulkeeda ka difaacato Itoobiya.

Ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika ayaa khudbad kulul ka jeediyay meertadii 42-aad ee madaxda IGAD oo Khamiistii ka dhacday magaalada Kampala ee waddanka Uganda.

Saddex dhinac ayaa ugu muhiimsaneyd farriinta uu Mareykanka ka jeediyay magaalada Kampala.

1. Midnimada Soomaaliya

Ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika kama leex-leexan inuu sheego sida ay waajib u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay Somaliland tahay gobol ka tirsan Soomaaliya.

Loogama baran Mareykanka inay sidan carabka ugu adkeeyaan arrimaha maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

2. Halista heshiiska Addis Ababa

Washington waxay muujisay inuu heshiiskan uga sii dari karo xaaladda Geeska Afrika, si gaar ah inuu tabar siinayo argagixisada, taasi oo sii holcin karta gobolka Geeska Afrika oo ay hadaba qul-qulatooyin iyo argagixiso ka jiraan.

3. Baaq

Mareykanka waxay labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqeen inay xaaladda dejiyaan oo aanay xiisadooda wiiqin dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Waxay hoosta ka xariiqeen sida ay lama huraan u tahay dhowrista madax-banaanida labada dal.

Farriinta dowladda Mareykanka ayaa imaneysa, iyada oo qaar kamid warbaahinta gobolka ay qoreen in heshiiskii Addis Ababa nafis siiyay argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya, maadaama Soomaalida ay wax walba kala weyn tahay in dhulkooda la qaato ama gobonimadooda la duro.

Halka uu Mareykanka ka istaagay heshiiska Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ku gaareen magaalada Addis Ababa 1-dii bishaan Janaayo ayaa Soomaaliya ku dhiira-gelinaysa inay sii xoojiso galaan-galkeeda siyaasadda arrimaha dibadda iyo diyaar-garowgeeda arrimaha gudaha.