Wax badan ka ogow awoodaha milateri ee Itoobiya iyo Masar

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Masar iyo Itoobiya ayaa markale soo laba kacleysay kadib markii ay Masar la safatay Soomaaliya oo xilligaan is hayaan Itoobiya.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa Axadii luuqadii ugu adkeyd kula hadlay xukuumadda Abiy Axmed, isagoo digniin u muuqatay kama dambeysna u diray.

Al-Siisi ayaa waxa uu sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad-gudubka ay ku kacday xukuumadda Abiy, isagoo Itoobiya ugu goodiyay in Soomaaliya ay la dagaal gali doonaan haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkii Addis Ababa.

“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi oo uu barbar taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Haddaba milateri ahaan yaa awood badan Masar iyo Itoobiya?

Marka ay timaado awoodaha milateri ee dalalka Masar iyo Itoobiya, milateriga Masar waxaa lagu qiimeeyay in uu kamid yahay tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka, dhanka milateriga.

Shabakadda The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sanadkii 2020 ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 9-aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 60-aad ee ugu awoodda badan dunida.

Awoodda milateri ee Masar

Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka bariga dhexe marka laga soo tago Turkiga oo ah dalka ugu awodda badan gobolkaas.

Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof.

Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa in ka badan 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba.

Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay shabakadda global Fire Power ku sheegtay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316.

Ciidanka badda ee Masar ayaa heysta laba markab oo ah kuwa qaada diyaaradaha, kuwaas oo ay adag tahay in la helo dal kale oo Afrikaan ah oo heysta.

Waxaa ay xukuumadda Qaahira heysataa oo kale 2 markab oo ah kuwa dagaalka, siddeed gujis oo ah kuwa badda hoosteeda mukhuurta, 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso.

Milateriga Masar ayaa sanadkiiba waxaa lagu kharash gareeya lacag dhan 3 bilyan oo doolar, waxaana qeyb ahaan lacagtaas bixiya Dowladda Mareykanka.

Ciidanka cirka ee Masar ayaa heysta 215 diyaaradood oo ah nooca dagaalka, 59 diyaaradaha milateriga ee xamuulka qaada ah, 387 oo ah diyaaradaha lagu tababaro cidamada cirka, 294 oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaano iyo 81 oo ah helikobtarada wax weerara.

Awoodda milateri ee Itoobiya

Itoobiya oo kamid ah dalalka geeska Afrika ugu awoodda badan ayaa tirada dadka ku nool waddankaas waxa ay gaarayaan 108 milyan oo ruux.

Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee hataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaarayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari.

Milateriga dalka Itoobiya ayaa GFP uu kusoo wariyay in uu heysto 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 oo ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska.

Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaaradood oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, 9 diyaarad oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeya.

Itoobiya ma lahan wax ciidan bad ah, maadaama aysan lahayn bad.

Qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya ayaa sanadkii hore kusoo warramay in dowladda Faraniiska ay Itoobiya ka caawineyso dib u dhiska ciidanka badda oo la kala diray sannadkii 1991-kii, ka dib markii Eritrea ay ka madaxbanaanaatay Itoobiya, halkaas oo saladhig u ahayd ciidanka badda ee Itoobiya.

Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa hunguriyeynaysa Lughaya ama Saylac inay hesho midkood, xilli horraantii sanadkaan uu heshiis beenaad lagu siinayo Itoobiya qeybo kamid ah badda Soomaaliya uu Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku dhex-maray Addis Ababa.

Heshiiskaas ayaa waxaa si adag uga horyimid dowladda federaalka Soomaaliya oo ayadu burisay, halka uu caalamkana uu ku taageeray difaaca madax-banaanideeda maadaama ay Itoobiya ku kacday xad-gudub weyn, oo ka dhan ah dalkeenna.

Warbixintan qeybo kamid ah waxaa laga soo xigtay BBC.