Mareykanka oo soo saaray digniin la xiriirta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta ammaanka, taas oo ku socoto wadamo dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa ka digay halista kooxaha islaamiyiinta ah oo haatan ku sii fidiya qaar ka mid ah wadamada qaaradda Afrika.

Taliyaha howl-galka Africom, General Stephen Townsend ayaa xusay in ururada Al-Qaacida iyo Daacish ay ku sii xoogeysanayaan wadamada Somalia, Mali, Niger, Chad iyo Sudan.

General Stephen Townsend ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxda Al-Shabaab oo xiriir la-leh Al-Qaacida ay gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaala Soomaaliya, isla-markaana ay weeraro culus ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dhammaan, marka la’isku geeyo ururadaasi islaamiyiinta ah ay khatar weyn ku yihiin ammaanka qaaradda Afrika.

Mareykanka ayaa waxaa Afrika ka jooga illaa 7,000 oo askari, inkastoo Donald trump uu Soomaaliya ka saaray 700 oo askari, kuwaas oo qeyb ka ahaa dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamadaasi la geeyay saldhigyo kale oo Mareykanka uu ku leeyahay afrika.

Si kastaba, howl galka Mareykanka ee Africom ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika uu ka caawiyaa tababarada iyo la dagaalanka ururada ay ugu yeeraan Argagixisada.