Aqriso: Qorshaha amniga doorashooyinka qaran oo xalay shaaca laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey qorshaha qaran ee amniga doorashooyinka dalka oo ka kooban 17 bog, ayada oo dalka uu aadayo doorasho dadban.

Waxaa sidoo kale la dhisay Guddi Amni oo ka kooban 9 xubnood, mas’uulna ka ah amniga doorashada, uuna hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubnaha ay ka mid yihiin Taliyayaasha Booliska Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Guddiga Amni ayaa waxa uu qorsheynayaa isla markaana hagayaa hannaanka amniga doorashada; Waxa uu dejinayaa qorshaha amniga; sidoo kale waxa uu hubinayaa isla markaana oo si dhawna ula soconayaa amniga xarumaha hawlgallada doorashooyinka isaga oo kaashanaya Guddi-Hawleedyada Amniga Doorashada Ee Heer Dawlad Goboleed, Guddiga Hirgelinta Doorashada Ee Heer Federaal iyo Guddiga Hirgelinta Doorashada Ee Heer Dawlad Goboleed. 

Amniga doorashada ayaa waxaa kaalin weyn ku leh ciidamada booliska Amisom oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga magaalooyinka iyo xaruumaha ay ka dhaceyso doorashadu. AMISON Police mas’uuliyadooda waxa ay tahay in ay sugaan amniga gudaha xarumaha. AMISON Military mas’uuliyadooda wax ay tahay goobaha laga soo galayo magaalada iyo meelaha kale ee la isku raaco.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uul ka ah Hagida, isku-duwida iyo hoggaaminta Guddiga Amniga Doorashada. 

Hadda hoos ka aqriso qorshaha oo dhameystiran