DF oo ka hadashay dib u dhaca SAFARKII wasiirka A/Dibadda Turkey ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyey dib u dhaca ku yimid safarka wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ee ku aadanaa booqashadiisa Soomaaliya.

Wasiirka oo ka qeyb-galayay Barnaamijka One on One ee Teleefishinka TRT ayaa shaaca ka qaaday inay nasiib xumo ku timid baaqashada socdaalka wasiir Mevlüt Çavuşoğlu.

Ma shaacin wasiirku xilliga rasmiga ah ee uu Soomaaliya imaanayo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, maadaama uu haatan dib u dhac ku yimid safarkiisa.

Ujeedka boorashada wasiirkaasi ka socda Turkiga ayaa la xariirta arrimaha doorashada, xiriirka labada dalka, tababarka Ciidanka Xoogga iyo Kaalmada Bani aadamnimada.

“Nasiib xumo waxaa baaqday socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ee Soomaaliya, waxa aad ogtihiin wadashaqeynta naga dhaxeysa, waxa aan kawada hadli doonaa Amniga, Taageerada ciidanka, Bani aadamnimada, Dhaqaalaha, Maalgelinta & arrimo kale”

Turkiga ayaa galaangal xoogan ku leh siyaasadda Soomaaliya oo haatan galeysa doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir xoogan oo leh iskaashi dhinacyo kala duwan leh, waxaana sidoo kale Turkiga uu Soomaaliya ka caawiyaa dhinacyo dhowr ah.