Xubno ka tirsan guddiyada doorashada oo lagu eedeeyey inay dambiileyaal yihiin

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa sheegaya inay dad dembiileyaal ahi ku jiraan Guddiyada Doorashooyinka Qaranka, gaar ahaan Xubnaha Jubbaland ku metelaya Guddiyada Doorashooyinka.

Afhayeenka oo ka soo muuqday Warbaahinta ayaa sheegay inay dadka uga digayaan waxa lagu sheegay buu yiri Guddi Doorasho oo laga soo diray Magaalada Kismaayo.

“Digniin, waxaan ummadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba uga digeynaa waxa lagu sheegay Guddi Doorasho oo laga soo diray Magaalada Kismaayo, looguna magac-daray Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland. Waxayna aad dadka Jubbooyinka degan isu weydiinayaan abeeso dhul isu ekeysiin bay dadka u leysaayee, Dowladdii Soomaaliyeed ma indho la’dahay mise Soomaalinimadaa ka badatay?,” ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa xubnahan ku sheegay inay yihiin Guddigii Madaxabannaanaa Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee Jubbaland ee laba sano horteed soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, isla-markaana qabtay doorashadii dib loogu soo doortay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), 22-kii bishii August ee sanadkii 2019, kuwaa oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin ka gaysteen deegaanada Jubbaland.

“Waxaan doonayaa Guddiga Doorashooyinka Heer State waxa lagu sheegay ee Magaalada Kismaayo laga soo diray waxa ay yihiin inaan caddeeyo. Taariikhdu markii ay ahayd 23-kii bishii March ee sanadkii 2019 Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee Jubbaland magacawday waxa uu ka koobnaa sideed xubnood, oo ahaa ciidamo jinsiga Soomaali ka ah, laakiin mariin ahoo qalbiga ka jirin oo dhalinyaro da’ yar ahoo aqoonyar, oo dowlad ajnabi ah inta ay tababaratay hub u soo dhiibtay, ayna dooneysay danaha ayada ay leedahay oo dal qabsi duleysi ah iyo xasuuq inay ku fushato asalkoodu saas ayay ahaayeen. Waxaana Gudoomiye u ahaa Xamse Cabdi Barre, Kuxigeena waxaa u ahaa Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Ilkadheere.) Guddigaas waxay asteeyeen xuduud dhulka Soomaaliya la dhigayo oo dowlad ajnabiya lagu siinayay ciiddii Soomaaliyeed, min Raaskambooni illaa Biibii 1. Xuduudaas oo xuduuddii Ingiriiska uu sameeyay meesha ugu dhow 700 oo tallaabo ay soke ka tahay, meelaha qaarkood-na 17km gudaha dhulkeena la soo geliyay. Anigoo ammaanayo asal iyo asaliyad ahaanbo shacabkii Soomaaliyeed oo sida Falastiin oo kale dhulkoodii ku dagaalamayay, waxaa meeshaa ka dhashay dil loo gaystay tobanaan qof oo shacab Soomaaliyeed ah, ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo Soomaali ah, ayna ku baaba’een hanti Soomaaliyeed oo qaali ahoo aad u fara-badan, oo ay ka mid tahay kaabadii dhaqaalaha ee Shirkaddii Isgaarsiinta Hormuud oo dadkaa maqal, manfac, EVC iyo keydba u ahayd, waayo lacagtii dadkaa way baaba’day, lacag qalaadna inay isticmaalaana aad bay uga qabweyn yihiin,” ayuu yiri Aadan Rufle.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Tusaale, taariikdu markii ay ahayd 23-kii bishii September 2020 deegaanka Yado oo 30km dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Ceelwaaq, uuna maro xad beenaadka, lagana soke mariyay xadka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ay asteeyeen, dadkii dhagaxa ku dadaalamayay waxaa laga afduubay afar qof, 3 maalmood ka dib tuulada Daarusalaam oo iyaduna xad beenaadka mari jiray waxaa laga afduubay afar qof, oo nin ka mid ah waa la dilay, saddexdii kalena min saddex kun oo lacagta Mareykanka ah ayaa looga soo furtay Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo adeegayaashooda, dadkii kale ee la afduubay illaa iyo hadda ma hayno, oo sidii loo afduubtay bay ku maqan yihiin. Waxaa jira dad kale oo aan hadda i hor oolin magacyadooda, laakiin dabcan ay feel/file ku jiraan oo maqan, ayna sababteeda leeyihiin in la waayo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee la magacaabay 23-kii March 2019.”

Aadan Rufle ayaa yiri “Doorashadii Jubbaland ee 2019 la qabtay waxay sameeyeen isimo dhaqan oo gacan ku rimis ah, oo lagu bedelay Odayaashii Dhaqanka ee soo jireenka ahaa, dadkana waxaa loo sheegay inay Xildhibaanada Jubbaland soo xuli doonaan Odayaashii Dhaqanka ee la yaqaanay, waxaan ku eedeyneynaa inay laayeen Odayaashii Dhaqanka ee ka horyimid bedelkii lagu sameeyay. Isimada Dhaqanka ee la laayay waxaa ka mid ahaa Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan (Gaari), Suldaan Cabdirashiid Dhurre Cumar, Suldaan Axmed Diiriye Qalyar iyo odayaal kaloo badan. Waxaa sidoo kale jiray odayaal ka horyimid arrintaasi oo loo musaafuriyay Magaalada Muqdisho, kuwaa oo illaa iyo hadda ku sugan.”

Rufle ayaa ku waramaya inaanan Dowladda Federaalka laga sugeynin inay dadkaasi Guddi Doorasho uga dhigto sida uu yiri dadka, oo ay ahayd inay Guddiga Doorashada noqdaan kuwa aan shisheeyaha u adeegin.

“Waxaan leenahay Dowladda Soomaaliyeed dadkaasi waxaas oo dhiba gaystay in Guddi Doorasho dadka looga dhigo maaha waxaan ka lug bixi karno. Dowladdii Soomaaliyeed ee la rabay inay dalka iyo dadka difaacdo, oo dadkii dhulka difaacayayna ay dalacsiin siiso meeshii laga suggayay, inay dembiile-yaashii ay xasaanad siiso, tiraahdana dad bay soo dooranayaan maaha wixii laga suggayay.” Ayuu yiri Rufle oo intaa ku daray “Doorashaddii dhaweyd ee lagu soo doortay Axmed Madoobe, si adag bay uga hortimid Dowladda Federaalka, iyadoo og inaysan guddigaasi qaban doorasho daahfuran. Guddiga noocaas ah sidee baa maanta loogu aaminay doorashadii guud?”

Ugu dambayn waxa uu yiri “Waxaan dooneynaa dad nadiif ah oo Soomaali ah, oo dowlad ajnabiya jaajuus u ahayn oo dhulka difaaca in la keeno, oo aan dadka Guddi Doorasho looga dhigin dembiile-yaashii intaas oo dembi ah gaystay.”