Mareykanka oo soo saaray hanjabaad kale oo ku socota qaswadayaasha Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa hanjabaaddii labaad muddo 24 saac gudahood ah usoo dirtay madaxda Soomaalida, ayada oo ka digtay in doorashooyinka Soomaaliya ay dhaafaan 25-ka Febraayo.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho kusoo dhammaaday 9-kii Janaayo ayaa lagu go’aamiyey in doorashada Golaha Shacabka lagu soo afjaro 45 maalmood gudahood, oo ka billaabata 15-ka Janaayo kuna eg 25-ka Febraayo.

“Doorashooyinka Soomaaliya sanad ayey ka dib dhaceen jadwalkooda. Mareykanka waxa uu diyaar u yahay inuu tallaabooyin ka qaado qas-wadayaasha, haddii aan jadwalka Golaha Wadatashiga Qaran aan laga dhabeyn,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Maalin kahor ayey aheyd markii sidan oo kale uu hanjabaad noocan ah u bixiyey afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowlad goboleedyada inay u hoggaansamaan jadwalka cusub ee la isku raacay, islamarkaana ay saxaan khaladaadka illaa hadda hareeyey hanaanka doorashada,” ayuu yiri Ned Price.

“Doorashooyinka Soomaaliya waxay jadwalkooda ka dib dhaceen hal sano. 8-da Febraayo waxay noqon doontaa sanad-guurada koowaad ee markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweynaha. Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay adeegsato aaladaha ay heli karto, oo ay ku jirto xayiraado Visa, si looga jawaabo dib u dhacyo kale, ama ficillo kale oo wax u dhimaya sharafta hanaanka.”

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay in digniinta Mareykanka ee xayiraadaha ay si toos ah u saameyn doonoto madaxda ku shaqada leh doorashada iyo kuwa sababay dib u dhacyada is biirsada, oo sida la fahamsan yahay uu kow ka yahay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Sida uu Mareykanka warkiisa uu ku sheegay waxay si toos ah u beegsan doonaan dadka leh go’aanka doorashada ama dib u dhaceeda sababi kara, waan ognahay dib u dhaca hadda gaaray sanadka waxa uu ku yimid go’aano la qaatay oo dib u dhac uu yimaado, mararka qaarna lagu sigtay in xaalada faraha ka baxdo,” ayuu yiri.

“Mareykanka marka uu sameeyo hanjabaado xayiraad ah waxa uu haysta xulashooyin badan oo iskugu jira cunaqabteyn dhaqaale uu saaro dal ama shaqsiyaas, qaarkood uu ka xanibo fiisooyinka, waxayna ku xiran tahay marwalba danta ay siyaasada arrimaha dibedda ee Mareykanka ka leedahay dalka la beegsanayo.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii