Hantidhowrka DF oo qaaday tallaabo ka dhan ah hanti lunsasho ka dhex socota DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa warqad uu soo saaray waxuu ku hakiyey bixinta ruqsadaha kallumeysi ee maraakiibta shisheeye iyo qandaraaska hubinta tayada badeecadaha oo aan ‘loo marin hannaan sharci ah.’

Sidoo kale Hantidhorka ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda qoraalkaan uga dalbaday inay ka waabtaan falalka lagu baalmarayo shuruucda dalka, isagoo ugu goodiyey ciddii ku sifoowda in sharciga lala tiigsa doono.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, waxuu maalmihii lasoo dhaafay ku guda jiray hubin iyo dabagal ku aaddan arrimo la xiriiray hey’adaha qaar ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xilligan kala guurka ah ku howilan tallaabooyin aan waafaqsanayn hannaanka sharciga iyo dowlad wanaagga, kuwaas oo saamayn dhaqaale iyo mid horumarineedba ku leh dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafeed ka soo baxay xafiiska Hantidhowrka guud ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Soomaaliya ay maalmihii u dambeeyey wadeen tallaabbooyin aan waafaqsaneyn sharciga.

“Arrimaha uu xafiisku dabagalka ku hayay ayaa waxay la xiriireen hay’ado ay ka mid Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda, Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha, Wasaaradda Awqaafia & Arrimaha Diinta, iyo Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay Hantidowrka dalka.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in xafiiska Hantidhowrku uu jawaabta ku haboon ka bixiyay sidoo kalena ku wargeliyay hay’adaha , ay khuseyso in la hakiyo bixinta ruqsadaha kalluumaysi ee maraakiibta shisheeye iyo qandaraaska hubinta tay-ada badeecadaha oo aan “loo maareyn hannaan sharciga waafaqsan.”

Xafiislca Hantidhawrka Guud ee Qaranka waxaa uu u taagan yahay illaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed iyo ka hortagga kuxadgudubka, kutagrifalka awoodaha iyo maamul xumada ku aaddan hantida.

Hoos ka akhriso warqadda

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii