Gaas, Faroole iyo Cumar Cabdirashiid oo caddeeyey mowqifkooda go’aanki Isimada

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa si wadajir ah bayaan uga soo saaray xiisada ka loosan magaalada Boosaaso.

Masuuliyiintaan ayaa bayaankooda uga soo hor-jeestay qodobadii ay Isimada Puntland ku shaaciyeen sida ay doonayaan in lagu xaliyo xiisada Boosaaso ee u dhaxeysa Madaxweyne Deni iyo Agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Diyaano.

“Waxaan cadeyneynaa in qoraalka Isimada 5-ta ah ay soo saareen uusan quseyn ergadayada, talo kuma lihin, waliba sidii aan kula balanay nalama aysan wadaagin, balse waxaan qoraalkooda ka aragnay baraha bulshada, qoraalka Isimada maaha mid wax u taraya xasiloonida iyo wadajirka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalkan caawa ka soo baxay siyaasiyiintaan reer Puntland.

Siyaasiyiintaan ayaa sheegay inay Boosaaso iyo Garowe kulamo kala duwan ay kula yeesheen madaxda xukuumadda Puntland, ciidamada ammaanka, bulshada qeybaheeda kala duwan iyo ganacsatada, sidoo kale waxay sheegeen in Boosaaso ay ka jirto xasilooni amni oo dadaal-badan ay ku bixiyeen.

“Waxaan ugu baaqeynaa inta ay khuseyso oo dhan in la ilaalsho nabada iyo xasiloonida Boosaaso, inta mar kale la isaga imaanayo, iyadoo maanka lagu heynayo in nabad geliyada Boosaaso iyo Puntland oo dhan aysan marna gor-gortan geli karin,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey bayaankaan ay soo wada saareen Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Hoos ka akhriso bayaanka