Mareykanka oo u aarguday taliye Tuure oo ka mid ahaa saraakiisha uu tababaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa war kasoo saaray weerarkii shalay ay Al-Shabaab ka geysatay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kaasi oo ay ku dhinteen taliye ku-xigeenka ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Xasan Tuure iyo  6 askari oo kale.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay kadib weerarka Shabaab inay qaadeen weerar is-difaac ah oo wada-jir ah, islamarkaana ay duqeyn ku dileen 30 kamid ah dagaalamayaasha kooxda, sida uu sheegay.

AFRICOM ayaa qoraalkeeda ku xustay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday shalay ay tiradoodu gaareysay illaa 100 dagaalame.

“Falalka is-biirsaday ee ay qaadeen ciidamada huwanta ah iyo duqeynta is-difaac ah ayaa lagu qiyaasay in ay ka dhasheen burburka saddex baabuur iyo dhimashada ku dhawaad soddon ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.”

Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in howl-galkan uu fuliyay uusan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay, marka la eego goobta uu dagaalku ka dhacay oo fog.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo looga hortagayo in dad rayid ah ay waxyeelo soo gaarto. Ilaalinta rayidka ayaa weli ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si uu u horumariyo ammaanka Afrikaanka oo dhan.”

“Soomaaliya waxay weli udub dhexaad u tahay xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababarada, la-talinta iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah si ay gacan uga geystaan sidii loo siin lahaa agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab, oo ah shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna dhimashada badan.”

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay shalay shaacisay in weerarkii Galcad ku naf waayeen in ka badan 100 maleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab.

“In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal xaqiijin ah oo shalay kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda qirtay in weerarka Shabaab ay ku dhinteen 7 askari, oo uu ku jiro taliye ku-xigeenkii DANAB, Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure).

Weerarkii ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen Galcad wuxuu noqday midka DANAB uga khasaare badan dagaaladii ay Al-Shabaab uga xoreysay HirShabelle iyo qeybo ka mid ah Galmudug.

Intii ay dhisnaayeen ciidanka DANAB ma dhicin weerar sidaan oo kale loogu soo qaaday oo looga dilo 7 askari, waxaa arrinta sii murjisay markii ciidanka la dilay uu ka mid noqday Taliyahoodii.

Ciidanka DANAB oo heysta tababar sare, waxaa kaalmeysa oo howlgallada kala qeyb gala diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo meel kore ka arka, awoodna u leh inay ka duqeeyaan Shabaab-ka.