Sawirro: Xubno Shabaab ah oo ay ku jiraan horjoogeyaal oo lagu qabtay Ceeldheer

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab oo dhawaan degmadaas laga xoreeyey.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, ragga lasoo qabtay waxaa ku jira horjoogayaal, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay:

1- Cabdirashiid Macalin Cali (Durdurshe), 2- Cabdi Gaanyaco, 3- Iyo Mascuud Cali Lugey.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Galmudug Cabdullaahi Calasow oo faahfaahin ka bixiyey howlgallo miino baaris ah oo ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degmada Ceeldheer ayaa sheegay inay si nabad ah u soo saareen 8-miino.

“Maanta ilaa maalintii aan magaaladaan cadowga ka xoreynay waxaan ka wadnay baaritaan, waxaan ka soo saarnay 8 qarax oo nooca miinada ah,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Galmudug.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay soo kormeereen qoysaskii ka barakacay magaalada, isla markaana ay ku war-geliyeen inay idb ugu soo laabtaan guryahooda, maadaama magaalada laga nadiifiyey qaraxyadii.

“Dadka ka soo jeeda degmadaan Ceeldheer waxaan ugu baaqayaa inay u soo gurmadaan dadkooda oo mudo dheer ay dhibaateyneysay Khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Galmudug ayaa madaxweynaha Galmudug ka codsaday in shacabka magaalada Ceeldheer ay soo gaarto gacanta Galmudug ay uga baahan yihiin, maadaama magaalada laga saaray Shabaab-kii heystay sanadaha badan.