R/Wasaare XAMZA oo war kasoo saaray guul ay maanta gaareen ciidanka dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay xoreynta deegaanka Janaay Cabdalle oo maanta ay la wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay ciidammada qalabka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya oo deegaan kale oo muhiim ah ka xoreeyay Khawaarijta ragaadisay horumarka dalka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Alle uga mahad-celinayaan guulaha is xig-xiga ee uu ku galladay iyo jabka ay gaarsiiyeen cadowga ummadda ee Khawaarijta,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in deegaankan ay maanta ciidamada kala wareegeen Al-Shabaab uu yahay “marin muhiim ah oo isku xira deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland.”

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxa uu soo sheegay in gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu socon doono illaa kooxda laga cirib-tirayo guud ahaan dalka.

“Halganka looga xoreynaayo dhammaan deegaannada fara-kutiriska ah ee ay Khawaarijtu ku suganyihiin wuu socon donaa ilaa aan dadkeenna iyo dalkeenaba aan ka dulqaadno heeryada cadowga.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Halganku wuu soconaya meel walbana waan ugu tagaynaa cadowga si aan dadkeena iyo dalkeenaba uga xoreyno Insha Allah.”

Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Xoogga oo kaashanaya ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle, oo 60KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.