Wararkii ugu dambeeyey kulamada Xasan Sheekh uu ka wado Baydhaba + Sawirro

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud oo kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhaba odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed ayaa ka dalbaday in ay dardar-geliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay aas-aas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samata-bixinta dalka.

Madaxweynaha ayaa odayaasha ku adkeeyey in haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaada nabadeynta iyo sidii ay u horseedi lahaayeen horumarka iyo wax wada qabsiga reer K/Galbeed.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa la wadaagay talooyinkooda ku saabsan hannaanka dib u heshiisiinta iyo sida ay doonayaan in loo xaliyo wixii mushkilad ah ee K/Galbeed ka jira.

Sidoo kale odayaasha ayaa madaxweynaha kala hadlay qorshaha uga degan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xasilinta deegaanadooda iyo horumarinta deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinkii 6-aad ku sugan magaalada Baydhaba ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalkiisa Baydhaba.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur-galbeed  Cabdi Casiis Xasan Maxamed.

Shirkii uu madaxweynuhu ka furay Baydhaba ayaa weli socda, waxaana la doonayaa inay ku heshiiyaan siyaasiyiinta reer K/Galbeed, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda war-saxaafadeed laga soo saaro.