DF oo baaritaan ku billowday shaqsiyaad lacagaha ugu shaqeeya madaxda Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday baaris la xiriirta dadka lacagaha ugu shaqeeya madaxda kooxda Al-Shabaab, xili ay muddooyinkii dambe waday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah kooxda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda federaalka ayaa ku baraarugsan tan iyo markii la xoreeyay degmooyinka ay sanadaha badan haysteen Al-Shabaab in madaxda Shabaab ay lacagaha baada ah ee ka qaadan bulshada u adeegsato maal-gashiyo iyo ganacsiyo gaar ah, kuwaasi oo u fuliyaan shaqsiyaad ku sugan gudaha dalka iyo dibedda.

Kal hore baaris caalami ah ayaa lagu sheegay in lacagaha ay Al-Shabaab sanadkii ka aruursato meelaha ay ka taliso iyo meelaha ay dhuumashada ku joogto inay ka badan tahay canshuurta gudaha kasoo gasha dowladda dhexe.

Lacagahaas laguma celin deegaanadii laga qaaday, waxaana shan iyo toban sanno kadib la dul tagay dhulkii ay Al-Shabaab haysteen oo wax horumar ah lagu siyaadin.

Arrintan ayaa banaanka keentay warkii sheegayay in madaxda Al-Shabaab ay lacagaha u adeegsadaan maal-galino shaqsi ah oo ay jiraan dad lacagaha ugu shaqeeya oo jooga Soomaaliya iyo dalal kale oo kamid ah qaarada Afrika.

Lacagaha ay qaado kooxda qeyb waxaa loo adeegsada dagaalada iyo is-qarxinta, qeybna madaxda Al-Shabaab ayaa maal-gashiyo shaqsi ah u adeegsada iyaga oo isticmaalaya gacan saddexaad oo aan laga shikisaneyn ayey sheegeen warbixinadii hore ee laga qoray Al-Shabaab.

Arrintan ayaa hadda dhabowday markii la dul tagay dhulkii ay shan iyo toban sanno xukumayeen. Qaar madaxda Al-Shabaab kamid ah hadda waa milyaneero.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab ayaa fahamsan in haddii kooxda dhaqaale ahaan loo wiiqo lagu soo afjari karo muddo kooban.

Dowladda oo hore ugu guuleysatay inay si weyn u curyaamisay lacagihii baada ahaa ee kooxda ka heli jirtay gudaha caasimada, ayaa waxaa xiligan adag in ganacsatada si bareer ah ugu dhiiradaan inay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Arrintaas oo la rumeysan yahay inay aheyd wajiga koowaad ee dagaalka dhaqaale ee Shabaab ayaa hadda waxaa billowday wajiga labaad ee dagaalkaasi, kaasi oo lagu baarayo shaqsiyaadka lacagaha baada ah ugu shaqeeya Shabaab, kuwaasi oo baariso hore sheegayaan inay ku sugan yihiin caasimada iyo dalalka deriska.

Al-Shabaab oo dhaqaale ahaan loo wiiqo waxay soo dadajinaysa jabkooda iyo ka ciribtirka dhulka Soomaaliyeed ee mudada badan dhiiga ka daadinayeen, waxaana la rumeysan yahay in dagaalka dhaqaale uu yahay midka ugu awooda badan ee kooxda si dhab ah u jabinaya.

Si kastaba, tan iyo markii uu billowday dagaalka noocyada badan leh ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda.