Beesha Caalamka oo WAR kasoo saartay khilaafka DF iyo maamulka PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa soo saaray war-saxafaadeed ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, ayada oo baaq u dirtay madaxda Soomaalida.

War-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka ayaa waxa lagu sheegay in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaaga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ay muhiim u yihiin xaqiijinta xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya.

“Saaxiibada Beesha Caalamka: Waxay soo dhoweynayaan dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya si loo hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka. Waxaan si gaar ah u soo dhoweynaynaa dadaalka soo cusboonaaday ee diiradda lagu saarayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaagga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.”

War-saxaafadeedka beesha caalamka oo u muuqda mid si gaar ah farta loogu fiiqayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxda dowladda federaalka iyo Puntland, oo arrimaha lagu xusay badankooda isku hayaan labada dhinac, ayaa waxaa loogu baaqay in khilaafka lagu xaliyo wada-hadal iyo wada-tashi.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyeyaasha inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wada-hadal iyo wada-tashi,” ayaa lagu yiri qoraalka sida wada-jirka ah usoo saareen saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Sidoo kale waxay sheegeen inay ka go’an tahay “in ay Soomaaliya ka taageeraan sidii ay ku gaari lahayd arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda, oo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah oo nabad ah.”

Dowladda federaalka iyo Puntland oo khilaafkooda soo billowday markii la isku fahmi waayay shirkii u dambeeyay ee Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa waxa uu soo ifbaxay kadib markii ay Puntland ku dhawaaqday inay u dhaqmi doonto sidii dowlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay maamulka Puntland 9-kii bishaan ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan.

War-saxaafadeedka beesha caalamka ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Jabuuti, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.