Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaan muhiim ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Xoogga oo kaashanaya ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle.

Deegaankan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa wuxuu 60KM dhanka Galbeed kaga beegan yahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay “in ciidanka dowladda oo ay wehliyaan ciidamada maamulka Jubbaland ay si nabad ah kula wareegeen deegaankaan oo muhiim ah.”

“Baaris ayay ka wadaan ciidamadu xaafadaha magaalada, taliska qeybta 43-aad ee xoogga dalka ayaana xaqiijiyay in Al-Shabaab laga ceyriyay deegaankaas,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka.

Maamulka Jubbaland ayaa dardar-gelinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo si xowli ah uga socda qeybo kamid ah gobolada dalka, kaasi oo kal hore uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo gacanta kooxda ku jiray sanado badan.

Deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ee gobolada dalka ayaa waxa dhawaan la geeyay ciidamo Boolis ah oo suga amniga, sida ay sheegtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.