Mareykanka oo war kasoo saaray geerida Khadiija Diiriye

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay geerida ku timid Allaha u naxariistee wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowladda Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti, kadibna maanta maydkeeda laga soo dajiyay magaalada Muqdisho oo lagu sameeyay aas qaran.

Qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga murugoodeen geerida naxtinta leh ee ku timid Khadiija Diiriye.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday marxuumadda ay door muhiim ah ku lahayd u dhaq-dhaqaaqida arrimaha haweenka Soomaaliyeed oo ay hadda wasiir u ahayd.

“Waxaan aad uga murugonay geerida ku timaaday Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Diiriye, oo aheyd ol’ole arrimaha haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale dhambaal tacsi ah u dirtay ehellada wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo muddo dheer kasoo shaqeyneysay dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa eheladeeda”ayaa mar kale lagu yiri qoraalka ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Geerida ku timid Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lama filaan ku noqotay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna xilliga ay geeriyooneysay ay qayb ka ahayd wafdi uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha oo howlo shaqo u joogay dalka Jabuuti.

Wasiirada ayaa la sheegay inay ku xanuusatay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kadibna ayada oo la qorsheynayo in loo qaado dalka Turiga ay ku geeriyootay halkaasi.

Allaha u naxariistee Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka mid aheyd xildhibaanada ugu muddada dheer baarlamanka Soomaaliya, oo ay ku jirtay ku dhowaad 20 sano, tan iyo markii dowladda federaalka ee hadda jirta la aas-aasay sanadkii 2004.