Jubaland oo war culus ka soo saartay dagaal lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday howlgallo ay wadeen ciidamada militariga Soomaaliya iyo kuwa Jubaland, kuwaas oo Shabaab looga saaray dhowr deegaan.

Afhayeenka Ciidamada Jubbaland G/Dhexe Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha Shabaab lagu gaarsiiyey howlgalladii laga fuliyey galbeedka Kismaayo.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadu ay Shabaab ka dileen sarkaal sare iyo 12 ka mid ah ilaaladiisa, wuxuu sheegay inuu ahaa nin laga yaqiinay galbeedka Kismaayo oo dhibaato badan ku hayey shacabka deegaanadaas.

“Wuxuu ahaa Amiir aad ugu weyn gudaha kooxda, shacabkana aad u dhibaatey jiray, xalay ayey ciidamadu dileen ninkaas iyo ugu yaraan 12 maleeshiyaad ah, howlgalladaas oo socday maalmo iyo habeeno badan wuxuu u dhacay sidii loo qorsheeyey,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada Jubbaland ayaa qiray in howlgalkaas markii looga guuleystay Al-Shabaab ay ciidamadu dib uga soo baxeen deegaanadii, isagoo go’aankaas ku tilmaamay inuu ahaa xeelad ciidan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in howglladaas ay kaga hortageysay weerarro oo kooxda Al-Shabaab ay soo abaabuleysay.

Hoos ka dhageyso wareysiga