Al-Shabaab oo dhexda ka afduubtay ciidan safar u ahaa…

Marka (Caasimada Online)- Kooxda Al-Shabaab ayaa dishay, qaarna nolosha ku qabatay askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, kadib markii ay wadada u galeen.

Seddax askari ayaa saqdii dhexe ee xalay ka baxday deegaanka Lambar-komton ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna u socdeen degmada Marka ee isla gobolkaas.

Kooxda Shabaab ayaa jidka u gashay askartaas, waxaana dhex maray dagaal culus, iyadoo markii dambe laga awood batay askartii dowladda.

Dagaal culus oo socday ugu yaraan 30 daqiiqo ayaa ka dhacay halkaas, askartii dowladda oo Al-Shabaab ka dishay shan dagaalame ayey ka dhamaatay rasaastii, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Hal askari ayaa ka dhimatay askartii jidka loo galay ee dowladda, halka labadii kale ay Shabaab gacanta u galeen iyagoo nool.

Askarta u gacan gashay Al-Shabaab waxaa lagu kala magacaabaa Muuse Xasan Cabdi iyo Aweys Xasan Abshir oo ka tirsanaa guutada 14-ka October ee militeriga Soomaaliya iyo Maxamed Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Nabad sugidda gobolka Sh/Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa askartaas u gashay inta u dhaxeysa deegaanada Buulonagey iyo Jilib-marka, wuxuuna dagaalkaasi dhacay 10-saac oo habeenimo.

Aweys iyo Maxamed waxay gacanta u galeen Al-Shabaab, iyagoo nool, balse dhaawac ah, deegaanka Mubaarak ee gobolka Sh/Hoose ayaa naloo sheegay inay Shabaab geeyeen askartaas.