Mareykanka oo war kasoo saaray golaha wasiirada xilli la sheegay inuu kasoo horjeedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaasi oo maanta uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa taageero loogu muujiyay Golaha Wasiirada cusub, ayada oo lagu xusay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada Soomaaliya.

“Waxaanu u hambalyaynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, soo xulistooda Golaha Wasiirada cusub. Mareykanka waxa uu aad u xiisaynayaa in uu sii wado ka qayb qaadashada taageerada dib-u-dhiska Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Warkaan ayaa imanaya xili ay maalmihii dambe warbaahinta qaarkood warinayeen in Mareykanka uusan la dhacsaneyn xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Xamza, maadama uu kasoo muuqday Mukhtaar Roobow, taasi oo uu beeniyayo qoraalka kasoo baxay Mareykanka.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa 2-dii bishaan si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo muddo u xirna dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta.

Kamid noqoshada Roobow ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa la sheegay inay si weyn uga qayb-qaateen xildhibaanno ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe.

Si kastaba, Qoraalka kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya wararka laga baahiyay oo u muuqday kuwa lagu carqaladeynayay dhismaha xukuumada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza.