Sawirro: Xasan Sheekh oo safiirka Kenya la qaatay kulan lagu macneeyey inuu ahaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Safiirkii dowladda Kenya u joogay Soomaaliya, Mudane Lucas K. Tumbo oo dhammeystay muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howl-gelayey dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Danjire Lucas K. Tumbo uu ka howl-galayey gudaha dalka muddo dheer, taasi oo ka dhigan in uu wax badan ka fahmay hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed oo ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo daris wanaag oo dhammaantood jihaaye u ah dowladnimada iyo diblumaasiyadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Safiirka Dowlad Kenya u fadhiya Soomaaliya Lucas K. Tumbo ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad-celiyey soo dhoweynta diirran iyo garab istaagga ay u muujiyeen, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Danjire Lucas K. Tumbo oo muddo soo ahaa Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, ayaa tilmaanay dadaalka uu ku bixiyey xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab.

Danjire Lucas K. Tumbo ayaa waxa kasoo dhamaaday muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howl-gelayey dalka, kadib muddo uu ahaa Safiirkii dowladda Kenya u joogay Soomaaliya.