Dilal qorsheysan oo lagu billaabay muslimiinta dalka Mareykanka – Imisaa la dilay?

Albuquerque (Caasimada Online) – Booliska gobolka New Mexico ee Mareykanka iyo hay’adaha federaalka ayaa baaraya dilka afar nin oo Muslim ah, si ay go’aan uga gaaraan haddii uu xiriir ka dhaxeeyo.

Dilkii ugu dambeeyey ayaa dhacay habeenkii Jimcaha, waxaana barasaabka gobolka ay ku qeexday inay yihiin “dilal beegsi ah.”

Madaxa booliska magaalada Albuquerque, Herold Medina ayaa weriyayaasha u sheegay Sabtidii “in nin dhallinyaro oo ka mid ahaa bulshada Muslimiinta la khaarajiyey.”

Magaca dhibbanaha iyo xaaladaha ku hareereysan dilkiisa ayaan weli la shaacin. Saddexdii kiis ee hore, dhibbanayaasha ayaa la toogtay ayaga oo aan xitaa lala hadlin, sida ay sheegeen booliska. 

Medina waxa uu sheegay in dilkii Jimcaha ay u badan tahay inuu xiriir la leeyahay saddexdii dil ee hore.

Booliska New Mexico ayaa sheegay in saddexdii nin ee horey loogu dilay magaalada ugu weyn gobolka ee Albuquerque sagaal bil gudahood, ay u muuqdeen kuwa loo beegsaday diintooda iyo isirkooda. 

“Dilalka beegsiga ah ee Muslimiinta degan Albuquerque waa wax aad looga caroodo oo aan la aqbali karin,” waxaa sidaas qoraal ay soo dhigtay twitter ku tiri Michelle Lujan Grisham oo ah barasaabka gobolka.

Waxa ay intaas ku dartay inay saraakiil boolis oo dheeraad ah gaynayso magaalada Albuquerque si ay gacan uga gaystaan baaritaanka.

Laba ka mid ah ragga la dilay waxay xubno ka ahaayeen hal Masjid, waxaana magaalada Albuquerque lagu kala dilay dhammaadkii July iyo horraantii August. 

Booliska waxay sheegeen inay jirto “suurta-galnimo xooggan” oo ah in dilalkooda uu xiriir la leeyahay dil dabayaaqadii November loo gaystay muhaajir ka yimid dalka Afghanistan. 

Muhammad Afzaal Hussain, oo ahaa 27 jir agaasimaha qorshaynta ka ah magaalada Espanola, kana yimid dalka Pakistan asal ahaan, ayaa Isniintii hore lagu toogtay banaanka dhisme uu deganaa oo ku yaalla magaalada Albuquerque.

Sidoo kale, Aftab Hussein, oo ahaa 41 jir, ayaa isaga oo la toogtay meydkiisa la helay 26-kii July, isla magaalada Albuquerque. 

Dilalkaas ayey u badan tahay inay xiriir la leeyihiin toogashada Mohammad Ahmadi oo ahaa 62 jir, taasi oo ka dhacday baarkinka baabuurta ee suuq, 7-dii November, sida ay sheegeen booliska.

Booliska gobolka News Mexico, FBI-da iyo US Marshall ayaa ka mid ah hay’adaha amniga ee ku lugta leh baaritaanka dilalkan.