Mareykanka oo war kasoo saaray kulanka u furmay Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safaaradda ay dowladda Mareykanka ku leedahay Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulanka maanta u furmay dowladda dhexe iyo hogaamiyayaasha Puntland iyo Jubbaland.

War qoraal ah oo ay soo dhigeen twitter-ka ayey ku bogaadiyeen kulanka maanta furmay, waxeyna sidoo kale ku amaaneen madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo gogoshii uu dhigay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo qorshaha uu kasoo bilowday.

Sidoo kale safaaraddu waxey qoraalka qeybtiisa dambe ku sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay in dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay dhameystiraan heshiiska ku saabsan is-afgarad.

“Mareykanka wuxuu ku faraxsan yahay in Villa Soomaaliya ay hogaamiyayaasha maamul goboleedyada isugu keento Muqdisho. Waxaan Mr. Qoorqoor uga mahad naqeynaa hogaamintiisa geedi-socodkii dhuusamareeb 3, Hogaanka ay Soomaaliya u baahan tahay. Waxaan ku dhiirigalineynaa Dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyada iney dhameeyaan mabaadi’da heshiis ku saabsan sal-ballaaran oo loo dhan yahay” ayaa lagu qoray barta twitter-ka safaaradda dalka Mareykanka ee Soomaaliya.

Si kastaba dowladda Mareykanka waxey muujineysaa doorka ay ku leedahay xal u helidda in Soomaaliya ay si hufan uga baxdo xilliga kala guurka, waxaana wali si lagu wada qanacsan yahay looga heshiinin hanaanka doorashada.