Wararkii ugu dambeeyay kulan madaxtooyada uga socda Farmaajo, Deni & Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka socda kulan dhex maraya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.

Horay ayey saddexdaan hogaamiye u ballansanaayeen, balse wuu baaqday kadib markii ay Jubbaland keentay shuruud adag oo xalay is faham laga gaaray, waana tan keentay in la qabto kulanka.

Wararka ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegaya in kulankaan uu yahay kulan kaliya logoa hadlaayo arrimaha doorashada iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta isla markaana la isla ogol yahay.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa iney wadaan qorshe wajiyada dambe ee shirka loogu soo kordhiyo madaxweynayaasha Hirshabelle, Galmudug iyo K/Galbeed.

Lama oga hadii madaxweyanayaasha maamullada kale ay kasoo qeyb gali doonaan, maadaama Saciid Deni iyo Axmed Madoobe aysan soo xaadirin gogoshii ugu dambeysay ee Dhuusamareeb isla markaana ay qaadaceen qaar ka mid ah qodobadii kasoo baxay.