Mareykanka oo war kasoo saaray toogashadii ka dhacday xerada Goordan

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqisho ayaa war kasoo saartay toogashadii xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu dilay saraakiil Soomaaliya iyo kuwa Imaaraad ah.

Qoraal kasoo baxay safaaradda, isla markaana lagu daabacay barteeda X ayaa lagu cambaareeyay weerarkan oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Mareykankanka ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada saraakiisha iyo askarta lagu laayay weerarkaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ay sii xoojin doonaan taageerada ay haatan siiyaan Soomaaliya ee nabad dhiska.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan fulaynimada ah, waxaanan ku adkeysaneynaa in aan taageerno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu dhisayo nabadda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu yaraan saddex sarkaal oo Imaaraad ahaa ayaa lagu dilay toogashadan iyo sarkaal afaraad oo u dhashay dalka Baxreyn, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Imaaraadka.

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ku dhowaaqaysaa inay shahiideen 3 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Baxreyn, iyo dhaawaca 2 kale oo ka dhashay fal argagixiso oo ka dhacay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka, waxaana la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog kahor loo soo diray weerarka.