Mareykanka oo xayiraad saaray wasiiro Turkish ah

New York (Caasimadda Online) – Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay saraakiil sare iyo dhowr wasiir oo Turki a, taas oo Mareykanka uga falcelinayo howlgalka militari ee uu Turkiga ka wadi waqooyiga Suuriya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan isla markaasna ka codsaday in heshiis xabad joojin ah la gaaro, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence.

Pence wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u safri doono gobolka si xaaladda loo dejiyo.

Sida ay sheegtay wasaaradda maaliyadda Mareykanka, xubnaha cunaqabateynta la saaray ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga Hulusi Akar, wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu, iyo wasiirka tamaarta Fatih Donmez.

Xubnahan ayaa la xanibay hantida ka taalla Mareykanka, waxaana la mamnuucay in wax xiriir maaliyadeed ah lala sameeyo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadinaya dowladda Turkiga inay joojiso hawlgalka ay ka waddo Waqooyiga Syria, wuxuuna qorsheynayaa inuu Ankara u diro wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence, si ay mas’uuliyiinta dalkaas ula yeeshaan wada-hadallo lagu xalinayo xaaladda.

Tallaabooyinka Trump ayaa ka dambeeyey dhalleeceyn xooggan oo uu la kulmay toddobaad kadib markii Aqalka Cad uu ku dhowaaqay in Turkiga ay ku dhaqaaqayaan hawlgalkooda ka dhanka ah Kurdiyiinyta Mareykanka ka taageeray dagaalka Daacish.

Trump ayaa Isniintii taleefonka kula hadlay madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan iyo Jeneral Mazloum Kobani, oo ah madaxa jabhadda SDF ee ciidankeeda badankood ay yihiin Kurdiyiinta.

Mareykanka ayaa sare u qaaday canshuurta la saaro biraha Mareykanka looga soo dhoofiyo Turkiga, wuxuuna hakiyey wada-hadallada heshiis ganacsi oo ku kacaya 100 bilyan oo dollar oo uu la lahaa Turkiga.

Dhinaca kale, xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay inuu toddobaadka soo socda u safri doono magaalada Brussels, si uu gaashaanbuurta NATO, oo Turkey ay xubin ka tahay, ugu cadaadiyo cunaqabateen ka dhan ah Ankara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com