Wasiir Cabdi Aadan Hoosow: Soomaaliya iyo Indonesia oo iskaashi yeelan doona

Bali (Caasimada Online) – Wasiirka Howlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guryeynta Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow oo booqasha rasmi ah ku tagay dalka Indonesia, wuxuuna la kulmay mas’uuliyiinta ugu sareysa dalkaasi.

Wasiirka oo ka qeyb galay shirka Indonesia-Africa Insfrastructure Dialogue 2019 ee ka dhacay magaalada Bali ayaa wuxuu ku guuleystay in mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhaqaalaha Enggartiasto Lukita in ay Soomaaliya ka taageeraan dhibka ka heysta maalgashadayaasha iyo ganacsatada Soomaaliyeed dhanka is dhaafsiga ganacsiga gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo bankiyada.

Indonesia waxay ballanqaaday in iskaashi dhaqanka ganacsiga iyo horumarinta ay la yeelato Soomaaliya ayadoo loo fududeynayo ganacsatada Soomaaliyeed howlahooda.

Wafdiga wasiir Hoosow ee ka socday Soomaaliya waxay ka mid yihiin afar wasiir oo ka socday Africa oo ka qeyb galay shirka: Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga ee Tanzania Amina Saloum, Wasiirka Ganacsiga Jabuuti Xasan Xaamud, iyo ku xigeenka Raisul Wasaaraha sidoo kalena ah wasiirka arrimaha geeska afrika ee ee Uganda A. M Kirunda Kivejinja.

Indonesia waa dal muhiim u ah Soomaaliya iyo Afrikaba ayadoo ganacsigeeda ay la leedahay Soomaaliya kor u dhaafaysa malaayin gaar ahaan qalabka dhismaha, bagaashka iyo dharka.