Darawalka wasiir ka tirsan Somaliland oo goor-dhow toogtay qof shacab ahaa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar hadda naga soo gaaraya degmada Laasgeel ee gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in deegaanka Dhubato ee gobolkaasi lagu toogtay qof shacab ah.

Sida Caasimada Online, loo xaqiijiyey Qofka shacabka ah ayaa waxa toogtay Darawalka Wasiirka waxbarashada iyo sayniska Somaliland, oo safar shaqo ku joogay deegaankaasi.

Toogashada ayaa timid kadib markii ay muddo murmeen Darawalka iyo Ninka shacabka ah ee la toogtay, kaasi oo ugu dambeyntii sababtay in Darawalka wasiirku uu rasaas nool u adeegsado ninka shacabka ah.

Wararka aanu helayno ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Isbitaalka loola cararay Ninka la toogtay oo uu dhaawac ka soo gaadhay rasaastaasi, taasi oo xaaladiisa caafimaad hadda lagu dabiibayo.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay toogashadan iyo waxa ka dhaxeeyay labada Nin, balse waxa loo maleynayaa in murankaasi iyo is af-dhaafkaasi sababay toogashada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com