Ayada oo aan saddexdaan sabab lagu taageerin ama lagu mucaaradin DF Somalia, hal mid ma la sameyn karaa?

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku jahwareersan siyaasadda dalka iyo gulufka siyaasadeed ee ku socda xowliga, kaas oo ku aadan Olalaha doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadka 2020.

Waxaa muuqata in bulshada Soomaaliyeed ay u kala safteen mucaarad iyo muxaafad waana labada dhinac ee horseedka u ah amni darrada, dhaqaalo la’aanta iyo daganaansho la’aanta siyaasadeed ee dalka oo horseeday in qal qal uu galo madaxbanaanida dalka.

Dadka u kala saftay dhinacyada is haaya ayaa u qaybsan 3 qaybood oo kala.

1) – Qaar dano dhaqaale u taageersan hoggaanka dowladda Soomaaliya waxaana kuwaan lagu tilmaamaa in aysan dan ka laheyn daganaanta Soomaaliya balse ay xaalad walba ku qiimeeyaan waxa soo galaya ama kursiga ay ku fadhiyaan.

2) – Kooxda labaad ayaa hoggaanka dowladda ku taageera qabiil iyo is gabaleysi ama heyb gaar ah balse kuma taageeraan danta guud.

3) Iyo koox kale oo yar oo aan fahamsaneen waxa la isku haayo faa’iidada iyo khasaarah dalka iyo dadka ka soo gaari karta, kuwaas oo lagu tilmaama haye raac oo hubsiino laheyn.

Mucaaradka ayaa sidoo kale dadka taageersan lagu micneeyay 3-da qodob ee kor ku soo xusnay waxaase aad u yar in la helo bulsho dhax dhaxaad ah hadii la helana ma ahan kuwa ka soo muuqda Warbaahinta iyo Baraha Bulshada.

Muxuu cadeynayaa dastuurka dalka?

Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa qeexaya xuquuqda uu leeyahay qof kasta oo Soomaali ah, waxa uu sidoo kale cadeynayaa awoodaha masuuliyiinta dowladda, maamul gobaleedyada iyo xoogaga mucaaradka ee dalka ka jira mana sheegayo dastuurka in qof lagu taageero qalad uu dalka ka galay iyo uu dowlada ku daminayo.

Su’aasha aqoonyahaanka iyo xaldoonka Soomaaliyeed ay is weydiinayaan ayaa ah bulshada Soomaaliyeed maxaa u diiday in ay ilaashaadaan dastuurka u yaalo dalka, kaas oo jiheynayaa shacabka iyo siyaasadda dalka si looga gudbo marxaladda adag uu ku jiro dalkaan ka soo kabanaya colaadihii Sokeeyay 30-ka sano soo jiray.

Muwaadin, adigoon taageerin Farmaajo, Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo madaxda maamul gobaleedyada ama siyaasiinta kale ee dalka, ma taageeri kartaa dastuurka oo kuu jiheyn kara in aad ka baxdo amni darrada, shaqa la’aanta, siyaasad xumid dalka ka jirta iyo dhamaan caqabadaha kale si aad u hesho nolal wanaagsan ?

Dhamaan xubnaha beesha caalamka, siyaasiinta samadoonka ah iyo shacabka Soomaaliyeed waxay qireen oo ay cadeeyeen in dhinacyada is haayaa dhamaantood uusan jirin mid ku taagan waddo sax ah oo ku cad dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka u yaalo balse ay isku hayaan dano siyaasadeed oo gaar ah.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid