Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo dagtay

Boosaaso (Caasimadda Online) – Doon u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed ayaa lasoo sheegayaa inay ku dagtay Xeebaha Badweynta Hindiya.

Doontaan oo ay ganacsato Soomaaliyeed kasoo rarteen Dekad ku taalka Wadanka Cummaan ayaa la sheegay inay Shalay ku dagtay Xeebaha Badweynta Hindiya.

Doontaan ayaa la sheegay inay usoo socotay Dekadda weyn ee ku taal Magaalada Boosaaso ee Puntland.

Doontaan oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa lagu sheegay magaceeda Cabdikariin, waxaana saarnaa illaa 10 qof oo shaqaale ka ahaa Doonta.

Dhammaan shaqaalihii saarnaa Doonta ayaa lasoo badbaadiyey, waxaana lagu guurdareystay in la badbaadiyo hantidii saarneyd doonto oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Doontaan ayaa waxaa saarnaa 950 Kun oo Tan oo isugu jiray Raashin iyo Bagaash, mana ahan markii ugu horeysay oo ay dagto Doon usoo socotay Boosaaso waxayna aheyd Bishii Agoosto markii laba doon oo kasoo baxay Imaaraadka Carabta ay dageen kuwaas oo kusoo wajahnaa Magaalada Boosaaso.

Halkaan hoose ka dhageyso wakiilkii Doontaas oo la hadlay VOA

 

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com