Xog: Beesha caalamka oo DF uga digtay arrin ay ka damacsan tahay Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga digay in ay doorasho kale ku qabato degmo ka tirsan gobalka Gedo xili ay socoto abaabulka doorasho kale oo afaraad oo lagu qabto Jubbaland kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday doorashooyinkii Kismaayo ka dhacay bishii August ee sanadkaan.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in madaxda dowladda Soomaaliya looga digay in ay ku deg degaan doorasho kale oo ay wado dowladda Soomaaliya in lagu qabto degmooyinka gobalka Gedo, waxaana la sheegay in arintaasi ay abuuri doonto dagaalo iyo colaad sokeeye.

Mid kamid ah agaasimayaasha Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Caasiamda Online u sheegay in xubno ka tirsan wakiilada Beesha Caalamka ay dowladda federaalka Soomaaliya u sheegeen in Gedo aysan marti gelin doorasho si aysan u sii fogaanin xiisadda Jubbaland.

Beesha caalamka ayaa rumeysan in xalka Jubaland ee ugu dhow uu yahay wada-hadal dhex mara maamulka Axmed Madoobe iyo dowladda, sida aan xogta ku helnay.

Talaabada dowladda Soomaaliya looga digay ee abuuri karta colaadda Jubbaland ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay Gedo ku qabato doorasho, waxaana markaas xaaladda isu badali doontaa qabiilo ay ka soo kala jeedaan Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

In Gedo doorasho lagu qabto waxaa ka roon oo la qaadan karaa in lagu qabto Jubada Dhexe ama meel kale oo kamid ah Jubada Hoose si looga fogaado in khilaafka loo badalo mid salka ku haayo qabiil iyo gobal, sida ay sheegeen xildhibaano la hadlay Caasimada online.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jahwareersan xaaladda maamulka Jubbaland waxaana muuqata in aysan wali gaarin go’aan maslaxad u ah Jubbaland oo ay dadkeeda wajahayaan culeesyo amni iyo mid siyaasadeed oo qaarkood sabab u yahay maamulka Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo cadaadis kala kulmaya beeshiisa ayaa diiday in xiisadad Jubaland la xaliyo, isaga oo ku adkeystay inusuan ku qanceyn wax ka yar in Axmed Madoobe meesha ka baxo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com