Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in isku day dil uu ka badbaaday Taliyaha Saldhiga Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Cabdiqani Xabuun.
Taliyaha ayaa la sheegay in Gaarigiisa uu ogaaday in qarax uu ku xiran yahay,kadib markii uu ka shakiyey xilli uu doonayey in uu ku aado goobtiisa Shaqada,waxaana la sheegay in uu qarxay mudo 15 daqiiqao kadib markii la ogaaday.
Markii Taliyaha uu ogaaday gaariga inuu qarax ku xiran yahay ayaa 15 daqiiqo kadib waxaa qarxay gaarigii.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxaasi aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin taliyaha iyo qoyskiisa, kadib markii dhamaantood ay ka baxeen guriga oo uu dhex yaallay gaariga miinada lagu xiray ee qarxay.
Qaraxa Baabuurka Taliyaha lagu xiray ayaa noociisa wuxuu yahay midka dhajiska ah ee Baabuurta lagu hoos xiro.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo laamaha amniga Degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland oo ay hadlayaan qaraxaas uu ka badbaaday ahaa Taliyaha Saldhigga bartamaha Magaalada Gaalkacyo Cabdiqani Xabuun.