Aqriso: Tirada iyo dalalka maraakiib si sharci darro ah uga kalluumaysta Somalia

Boosaaso-(Caasimada Online) – Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee maamulka Puntland Faarax Cawaash Beeldaaje oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa soo ban dhigay tirada iyo magacyada maraakiibta shisheeye ee sida sharci darada ah uga kalluumeysta xeebaha deegaanada Puntland.

Wasiir Beeldaaje ayaa sheegay in maraakiibtaas ay si dhuumaaleysi ah u gurtaan kheyraadka Puntland, isagoo sheegay in ay ku howlanyihii sidii sharciga ula tiigsan lahaayeen maraakiibtaas.

Iyagoo kaashanaya Wasaaradda kalluumaysiga ee xukuumadda federaalka ayuu sheegay in ay dacwado ka dhigeen dekedaha wadamada ay u iib geeyaan maraakiibtaas kalluunka ay ka xadaan xeebaha Puntland.

“Maraakiibtaas markii ay soo galayaan xeebaha dalka waxay damiyaan Satarleydka si aan loo ogaan, balse waan helnaa xogtiisa markab kasta oo soo gala xeebaha dalka, lkn ma heysano ciidamo ka howlgala oo soo qabta maraakiibtaas, waxaana hada socota diyaarinta ciidamo difaaca baddeena iyo khayraadka dhex ceegaaga” ayuu yiri wasiir Faarax Cawaash.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa soo ban dhigay magacyada Maraakiibta lagu eedeynayo in kalluumaysi sharci daro ah ay ka wadaan xeebaha dalka, gaar ahaan xeebaha gobolka Bari iyo dalalka laga kala leeyahay.

“waa caadeystayaa mar walba ku soo noq-noqda xeebeheena, waxayna kala yihii Al-Amiin oo wata calankla Iran, Al-Khaliil oo Iiraani ah, Al-Nasiib oo siguna Iiraani ah, Amiir 374 oo Iiraani ah, Al-Saffa oo Pagistaani ah, Al-Tamasha oo Pakistaani ah, Arsanaal, Baytulaah, Xamiidi, Jasma, Kooka iyo kuwo kale oo dhamaan aan heyno magacyadooda, waxaana ku dacweynay wadamada ay u suuq geeyaan kalluunka ay sida sharci darada ah uga jalaabanayaan biyaha Soomaaliya, sharciga ayaana la tiigsa doonaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka kalluumaysiga maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xaafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com