Kuwait City (Caasimadda Online) – Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kuwait Khaled Al-Jarallah ayaa shaaciyey in wadankiisa uu marti gelin doono shir lagu taageerayo Soomaaliya .
Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas oo ah mid Soomaaliya looga caawinayo dhanka Waxbarashada oo ay ka liidato uuna dhici doono sanadka soo socdo ee 2020 kaasoo lacago loogu deeqi doono.
Wakaaladda Wararka ee dalka Kuwaite ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (KUNA) ayaa sheegtay in Al-Jarallah uu Axadii hoggaamiyey kulan loogu diyaar garoobayo shirkaas loogu deeqayo Soomaaliya oo noqonayo midkii ugu horeeeyey noociisa ah oo ay soo diyaariyaan Dowladaha Khaliijka.
Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa la kulmay Diblomaasiyiin u dhashay Dalka Kuwait iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ee dalkaas si ay uga wada hadlaan sidii uu u dhici lahaa shirkaas lagu taageerayo Soomaaliya lagana hortago wax walba oo keeni karo inuu shirkaas baaqdo.
Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Shan Berri ka hor ay Dowladda Mareykanka ku dhawaaqday in Barnaamijka Waxbarashada ee BAR ama BARO ay ku taageereyso lacag gaareysa $50 Milyan.
Barnamijkaas BAR ama Baro ayaa ah mashruuc socon doono muddo 5 Sano ah kaasoo la doonayo in lagu hormariyo tayada waxbarashada Soomaaliya iyo in la taageero dardargelinta waxbarashada carruurta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com