Mareykanka war kasoo saaray duqeyn uu ka fuliyey Somalia

Kismaayo (Caasimada Online) – Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay qaadeen duqayn hor leh oo ka dhan ah ururka al-Shabaab toddobaadkan, taasi oo ka dhacday meel waqooyi bari kaga aaddan magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay milatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqayntan ay dhacday kadib markii codsi laga helay dawladda federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Taliska Afrika ee Maraykanka ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqayntaasi ay ahayd mid “is-difaacis wadajir ah” oo dhacday laba jeer bishan Janaayo 21-keedii. Duqayntan ayaa Maraykanku sheegay inay ka dhacday meel 35km dhinaca Waqooyi-Bari ka xigta Kismaayo.

Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan ay ka dhacday meel fog. Waxa kaloo lagu sheegay inaan dad rayid ah aysan ku dhiman kuna dhaawacmin duqayntan.

Maraykanka ayaa al-Shabaab ku tilmaamay shabakadaha al-Qaacida tan ugu weyn dunida, ayna awood u leeyihiin inay weeraraan ciidamada Maraykanka, halisna ku yihiin amniga qaranka Maraykanka, iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin.

Bishii hore 17-keedii ayaa dawladda Soomaaliya ay sheegtay in duqayn Maraykanku fuliyeen lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab.

War-saxaafadeed xilligaas kasoo baxay dawladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in duqayntaas lagu dilay Macalim Ayman oo ay sheegtay inuu abaabulay weerarro ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay war saxaafadeedkaas in hawlgalka qorshaysan ee lagu dilay Ayman ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka.

Hawlgalka Maraykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey in duqayntii dhacday 17-kii December lagu dilay xubin ka tirsan al-Shabaab, hase yeeshee AFRICOM ma aysan xaqiijin weli magaca qofka la dilay.