Marka aad daawato sawirradan waxaa kuu caddaanaya hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Maraakiibta Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga iyo kuwa Kooxaha aan Dowliga ahayn ayaa soo badbaadiyey 6,500 Tahriibayaal ku sugnaa meel ka baxsan Xeebaha dalka Libya.

6,600 Tahriibayaal ayaa la soo badbaadiyey sida lagu shaaciyey Twitterka Ciiddanka Ilaaladda Badda Talyaaniga, waana Hawlgalkii ugu ballaarnaa ee ay Ciiddanka hal maalin kusoo badbaadiyaan Tahriibayaal.

Ilaa 40 Hawlgal Gurmad ah ayaa lagu soo badbaadiyey Qaxootigaasi oo ka dhacay meel 13 mayl dhanka Waqooyi kaga toosan Xeebta Degmadda Sabratha ee dalka Libya.

3,000 oo ka mid ah Tahriibayaasha ayaa la sheegay inay la socdeen 20 doonyood nooca Alwaaxa.

Wakaalladda Wararka AP ayaa soo bandhigtay Sawiro iyo Muuqaalo Video oo muujinaya Tahriibayaal Somali iyo Eritrean oo dhoola-cadaynayi, markii ay soo gaareen Maraakiibta Gurmadka.

Qaar ka mid ah Tahriibayaasha waxay ku boo gurmataya oo ay ku dabaasheen, halka kuwo kalena si taxadar leh carruurtooda u xambaarsanaa u dhaqaaqeen Maraakiibtii u soo gurmatay.

Dadka la badbaadiyey waxaa kamid ah ilmo yar oo jira 5 bilood iyo caruur kale oo aad u yar-yar, kuwaas oo lagu qaadey diyaarad lana geeyey isbitaal ku yaala Talyaaniga, sida laga soo xiganaya hay’adda MSF oo ka qayb qaadatey badbaadinta.

Sanadkan gudihisa waxaa soo gaarey xeebaha Talyaaniga 112 000 kun oo qof kuwaas oo ka soo talaabey Badda dhexe.
Tahrii 1

Tahrii 2

Tahrii 3

Tahrii 4

Tahrii 5

Tahrii 6

Tahrii 7