Maxay Somalia uga dhigan tahay go’aanka cusub ee Mareykanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladdaha Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa shalay magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku aadan dhinaca horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 64 Milyan oo doolar, waxaana loogu talogalay in lagu hormariyo waxbarashada Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa dowladda Maraykanka u saxiixay Safiirka Mareykanka Stephen Schwartz iyo kaaliyaha dhinaca maamulka Afrika ee hay’adda USAID Linda Etim, halka dowladda Soomaaliya u saxiixeen Wasiirka waxbararashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Cabdi Xaashi iyo Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti.

Mas’uuliyiinta Maraykanka heshiiskan u saxiixay ayaa sheegay in mashruucan yahay mid lagu kobcinayo waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in mashruucan yahay mid aad loogu baahnaa islamarkaana wax badan ka qaban doono waxbarashada guud ee dalka, fursadna siin doono dhallinyarada waxbarasho la’aan ah.

”Hashiiskan waa u muhiim waxbarashada Soomaaliya dadaalo badan ayaana ku bixinay waan u mahad celinayna Hay’ada USAID oo taageerayso waxaana rajaynay inuu wax badan ka badalo ol olihiihi aan ugu jirnay Soocelinta tayada waxbarashada Soomaaliya” ayuu yiri wasiir c/qaadir.

Wixii ka dambeeyay burbuka dowladdii dhexe ee dalka waxaa hoos u dhacday tayadii ay lahayd waxbarashada dalka, inkastoo ay jiraan dadaallo la bixiyey oo ku aadan sare u qaadista waxbarshada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com