BRITAIN oo go’aanka cusub ee SOMALILAND kasoo horjeesatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Britain u fadhisa Somalia Haweeneyda lagu magacaabo Harriet Mathews, ayaa nasiib darro ku sheegtay in dib u dhac uu ku imaado doorashadda madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland ee wakhtigooda horay loogu heshiiyay.

Harriet Mathews, waxa ay sheegtay haddii ay rumowdo dib u dhaca ku imaanaaya doorashadda madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland, ay waxbadan hoos u dhac u keeni doonto Dimuqraadiyadda iminka ka jirta Somaliland.

Harriet Mathews waxa ay sheegtay in kulamo ay wada qaaten xubno ka kala tirsan Xukuumada, Xisbiga taladda haya iyo Gudoomiyaha maxkamada sare ay wada gaaren Axdi, taa oo qeexeysa in mar qura lawada qabto doorashadda kuna dhacdo xiliga loo asteeyay waxa ayna rajo xumi ku sheegtay qorshaha Somaliland ee saameynta ku yeelanka xiliga doorashada.

Harriet Mathews, waxa ay sheegtay in wax waliba ay hagaagayaan waa haddii sida loogu tallo galay loo fuliyo waxa ayna ka weecashada Axdiga ay la gaaren Somaliland ku sheegtay mid dib u gurasho ku keenikarto hanaanka doorasho ee Somaliland.

”Mowqifka Britain ee ku aadan wadahadalkii aan la galnay Somaliland waa mid halkiisa taagan, waayo waxaan axdi ku wadagalnay in Doorashooyinka mar la wada qaban doono, waxaanan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland in laga dhabeeyo go’aankaas oo laga shaqeeyo”

Harriet Mathews, waxa ay intaa raacisay inay hubto in wax waliba ay hagaagi karaan waa haddii ay madaxda Somaliland si dhab ah u hirgaliyaan Heshiiska, waxa ayna carabka ku dhufatay inay la socto in caqabada ugu badan ay tahay saami-qeybsiga kuraasta Baarlamaanka balse xal waara laga gaarikaro.

”Horay ayaan u cadeynay mowqifkeena haddana waan ku celineynaa in dib u dhac ku imaadaa doorashada Somaliland ay dhaawaceyso kalsoonida iyo sumcadda Somaliland”

”Danta Britain waa Somaliland oo laga hirgaliyaa dimuquraadiyad wax walibana waxaa inooga muhiimsan heshiisyada aan wadagalnay oo si sax ah loo hirgaliyo”

Harriet Mathews, waxa ay meesha ka saartay suuragalnimada dib u dhac ku yimaada doorashada, waxa ayna sheegtay in Somaliland aysan heysan sababo ay u dib dhigto doorashada.

Dhinaca kale, waxa ay cadeysay in go’aanka Britain uu yahay in Somaliland ay ka dhacdo doorasho xiligeeda loo asteeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com