Obama iyo Erdogan yaa ku saxan qodobkan ay aadka isugu hayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in kullan khaas ah ay wada yeeshaan Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Turkiga, kaasi oo dhici doona maalinta Axad ah ee fooda nagu soo heysa, sida uu sheegay ku xigeenka la taliyaha amniga Mareekanka ninka lagu magacaabo Ben Rhodes.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa dhici doona inta lagu guda jiro shirka wadamada ku bahoobay G20 oo gogoshiisu taall dalka Shiinaha.

Ajandaha shirkaasi ayaa ah mid diirada lagu saari doono arrimaha Syria, waxa uuna shirkaasi imaanayaa iyadoo dowlada Turkiga ay ciidamo Millitery ah gudaha u galisay dalka Syria oo ay ka jiraan colaado raagay.

Shirkaasi ayaa waxaa barbar socondoona wadahadalka Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxa ayna si gaar ah uga wadahadli doonaan Afganbigii fashilmay ee dhawaan ka dhacay dalka Turkiga, soo gacan galinta Wadaadka Afganbiga ka danbeeyay ee lagu magacaabo Fethullah Gulen iyo sida dowlada Turkiga ay kaga qeybqaadan laheyd xasilinta dalka Syria isla markaana kala soo bixi laheyd ciidamada ay halkaasi geysay.

Wadahadalka Obama iyo Erdogan ayaa sidoo kale waxaa kamid noqon doona hakinta dagaalada daba dheeraaday ee u dhexeeya ciidamada Turkish iyo dagaalyahanada YPG, iyadoo maalmo un ka hor ay waaxda Gaashaandhiga Maraykanka Pentagon ugu yeertay dagaalkaasi mid aan la aqbali karin.

Sidoo kale, Saraakiisha difaaca Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada Kurdish ee taageera Mareekanka ay dib ugu gurteen bariga webiga Yufraad maalmahi la soo dhaafay , taasoo ay dalbadeen xukuumada Ankara.

Geesta kale, wadahadalka dhexmari doona Madaxweyne Obama iyo Erdogan ayaa noqonaya kii ugu horeyay tan iyo markii uu guuldareystay isku daygi inqilaabka dalka Turkiga bishii July 15.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com